Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Camey oo booqday goobtii Qaraxo ka dhacay[Masawiro]
April 20, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland ayaa abaare 8:00 subaxnimo ee saaka waxaa qarax ka dhex qarxay Gaari Bus ah oo ay saarnaayeen shaqaale katirsan Qaramada Midoobay isuguna jiray Ajanabi iyo Soomaali, gaariga ayaa qarxay xili uu shaqaale kale ka qaadayey afaafka hore ee xarunta Hay’adda FAO .
Qaraxa waxaa uu sababay dhimashada 7-qof , shan kamid ah waa shaqaalaha Qaramada Midoobay , labana waxaa ay katirsan yihiin ciidanka ilaalada Hay’addaha caalamiga ah ee SPU , dhaawacuna waa 6-qof labo kamid ah iyana waa shaqaalaha UN-ka, dareewalkii gaariga waday iyo saddex askari oo ciidamada SPU ah.
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa qaraxa kadib gaaray koobta uu ka dhacay waxaana uu uga sii gudbay cisbitaalka weyn ee Magaalada Garoowe isagoona ku booqday dhaawacyadii iyo meydkii.
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng : Cabdixakiim Camey ayaa cambaareyey falkaan, waxaana uu si deg deg ah u magacaabay gudi baaritaan rasmi ah ku sameeya dhacdada qaabkii ay u dhacday .
Gudiga oo ka kooban Wasiiro iyo Taliyaal ciidan ayaa waxaa ay ka yihiin.
1: Wasiirka Aminga Dawladda Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Aloore
2: Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle
3: Wasiir Dawlaha caafimaadka Dawladda Puntland Cabdullaahi Jaamac Cali
4: Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Maxamed Saciid Jaqanaf
5: Taliyaha Nabadsugida Puntland Col. Cabdullaahi
Dawladda waxay si buuxda u cadaynaysaa inaan falkaan wax saamayn ah ku yeelanayn amniga iyo kala-dambeynta wanaagsan ee kajirta Puntland, xaalada magaalada Garoowana ay tahay mid caadi ah, islamar ahaantaana ciidanka Amniga Puntland si dar dar leh ay u wadaan baaritaano xoogleh oo ku aadan dhacdadaas.
no images were found
-DHAMMAAD-