Ergeyga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay oo cambaareeyay weerar lagu qaaday gaari ay leedahay Qaramada Midoobay
April 20, 2015 - Written by Editor“Waxaa iga nixiyay igana walwaliyay wax maanta ka dhacay Garoowe. Waxaa aad u fool xun sidda loo qiimo tiray nolosha dad ka shaqeeynayay arrimaha Bani-aadanimadda iyo mashaariicda horumarineed ee ku aadan baahida dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ergayga Gaarka ah SRSG Kay.
Saakay abaarihii markay ahayd 2-da saac ee subaxnimo ayaa gaari ay leedahay Qaramada Midoobay oo ka shaqeynaayay Garoowe, Puntland, lala beegsaday waxyaabaha qarxa ( IED), waxaana ku waxyeeloobay dad aan tiradooda la garaneyn, waxaana socda dadaal gurmad ah oo looga jawaabayo dhibkii dhacay.
“Arintaan waxay murugo ku abuurtay Qaramada Midoobay, haddana waxay u mideysanyihiin sii loo wadi howlahooda. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an in ay dadka Soomaaliyeed barbartaagnaato. Waxaan tacsi u dirayaa saaxiibadii iyo qoysaskii dadkoodu ku nafwaayeen iyo kuwii kudhaawacmay ama waxkunoqdayba.” Ayuu yiri SRSG kay.
Faafaahinta kusaabsan arintaan waan idinla wadaagi doonaa islamarka ay cadaato.
Dhamaad.