Muassasada Al-Rahmah Foundation oo Deeq lacageed gaarsiisey xarumo waxbarasho
April 25, 2015 - Written by EditorMu’assada Al-Rahmah oo ka mid ah hay’adaha kheyriga ah ee ka hawlgalo koofurta iyo bartamaha Soomaaliya oo waayadan dambe ku hawlaneed ol-olaha taageerista waxbarashada ayaa gaarsiisay kaalmo dhaqaale 6 ka mid ah goobaha waxbarashada oo ku ka la yeelo deegaano hoos yimaado Gedo, Kismaanyo iyo Galgaduud.
Sheekh Cabdirisaaq Warsame Fiqi, oo ka mid ah howlwadeenada Al-raxma foundation ayaa sheegey inay deeqdaas kasoo gaartay jaaliyadaha kasoo jeedo deegaankaas ee kusugan wadamada Maraykanka, Sacuudi Carabiya, finland, Muqdisho , Nairobi,iyo Qatar. Fiqi wuxuu intaas ku daray inay kaalmadan qeyb ka tahay barnaamijka Tayeynta waxbarashada deegaanadaas oo siduu sheegey aad ugu hooseeyso adeegyada waxbarashada.
Sheekh Fiqi ayaa sheegay in ay ku wareejiyeen iskuul walba lacag gaarayso $2500 (laba ku iyo shanboqol oo doolar). Oo looga faaiidaystay qalabeenta xafiisyada, fasalada iyo mishaharada macalimiinta, taas oo dhib weyn kataagnaa.
“Dhibaatadu waa mid aad u ballaaran, iskuuladu wax ay awoodi la’yihiin mishaharka macalimiinta, , intooda badan malahan dhismaha wax lugu barto, kuraas ardada ku fariisato iyo xitaa musqulo la galo midna”
“Waxaa lagaaray xiligii wax lagaqaban lahaa waxbarashada goboladaas, taas oo aan ugu baaqayno dowladda Somalia, maamullada ka dhisan deegaanadaas, hay’adaha khayriga iyo jaaliyadda kasoo jeeddo deegaankaas ee dunida daafaheeda ku dhaqan inay gacan ka siiyaan dadka deeganadaas ku dhaqan siday u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh. Waxbarasho la’aanta ka jirta dhulkaas, ardaydii awooday dhaqaale ahaan waa isaga haajireen ayagoo waxbarasho uraadsaday gobolada kale iyo wadamada dariska ah, iskuulada iyo macaahida hadda furan hadayna taageero helin, ayagana waa baaba’yaan. qurba joogta deegaankaas u dhalatay waxaan oran lahaa diyaarsada dhulkii aad ku soo noqon laheydeen. Asaagiin qurbaha idinla joogo dhulkooda ayey dhisteen, kadibna caruurtooda kusoo ceshadeen” sdiaas waxaa yiri Sheekh C.risaaq Fiqi oo ka hadlayay duruufaha waxbarashada ee ka jira deeganadaas.
Dhanka kale, maamulka madaarista deeqda la gaarsiiyay ayaa aad ugu mahad celiyey Alraxma foundation iyo jaaliyadaha soo gurmaday, waxayna sheegeen inay unoqon doonta dhiiri galin “ Waxaan ogaanay inay walaalaheen na garab taagan yihiin, waxaaana ugu baaqayna inay sii laba laabaan dadaalka wax ka qabashada waxbarashada deegaanadan”
Ugu dambeybtii Al-Rahmah waxay mahad gaar ah u direysaa walaalihii isa soo xilqaamay oo go’aansaday inay walaalahood umuujiyaan inay garab taaganyihiin, waxaana ka rajaynaynaa inay joogteeyaan kaalmada.
sidoo kale waxaan ugu baaqayaa maamullada xarumaha waxbarashada inay muujiyaan howl karnimo, adkaysi iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada.
Xafiiska warfaafiinta Al-Raxma
Halgan.net