Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Booqday Xarumaha Hay’adaha UNICEF iyo UNSOM ee magaalada Garoowe[Masawiro]

April 27, 2015 - Written by Editor

IMG_7661Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-4-2015 booqday xafiisyada Hay’adaha UNICEF iyo UNSOM ee magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland.

Ugu horeyn Madaxweyne Gaas ayaa xafiiska hay’adda UNICEF ku booqday maamulka iyo howlwadeenada hay’adda , isagoona u muujiyey dareenka uu ka qabo qaraxii dhowaan lala eegtay gaari ay saarnaayeen shaqaalaha hay’addaasi.

Madaxweynaha ayaa dhammaan madaxda iyo howlwadeenada hay’addaasi u sheegay in xukuumadda uu hoggaaminayo ay ka go’antahay adkeynta ammaankooda , haatana meel fiican ay marayso baaritaanka dawladdu ay ku hayso weererkaii argagaxisnimo ee ka dhacay Garoowe.

Mrs. Mariana Hattinge  oo ah wakiilka Hay’adda UNICEF ee Puntland ayaa cadaysay inay sii wadayaan howlaha muhiim ka ah ee ay u hayaan shacabka reer Puntland , iyadoona balan qaaday inay sii laba jibaarayaan howlahaasi, wax saameyn ahna uusan ku yeelan doonin falkii foosha xumaa ee shaqaalahoodu lagu beegsaday .

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale booqday xarunta hay’adda UNSOM, waxaana uu halkaasi kula kulmay Madaxa hay’adda UNSOM ee Puntland Omar Abuudi iyo sidookale  howlwadeenada hay’addaasi si lamid ah ayuuna ugu cadeeyey in adkeynta amaankoodu dawladdu xil gaar ah iska saarayso.

Wakiilka hay’adda UNSOM ee Puntland Omar Abuudi ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada uu ugu yimi , waxaana uu balan qaaday in shaqooyinka ay u hayaan shacabka reer Puntland sii wadi doonaan islamar’ahaantaana loo hakanayn fal argagixisnimo.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online