Saraakiil ka tirsan DFS oo tababar loogu soo Xiray Muqdisho (Masawirro)

April 19, 2015 - Written by Editor

IMG_1152Muqdisho:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya General, C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta tababar usoo xiray saraakiil dhameysatay tababar layli sarkaal ah, waxana munaasabadda oo ka dhacday xerada Jazeera ka qeyb galay, Taliyaha Ciidamadda XDS S/G Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) iyo saraakiil kale.
Wasiirka ayaa ka hor inta uusan ka qeyb gelin Munaasabadda Tababarka loogu xireyay ciidamadda Xogga dalka Soomaaliya, waxa uu booqday taliska qeybta 12-ka Apriil ee Ciidamadda Xogga dalka, waxana halkaas uu kulamo kula qaatay Saraakiisha CXDS, iyadoo kulanka ay ka qeyb galeen Taliyaha Ciidamadda XDS iyo Taliyaha qeybta 12-ka april , General Maxamed Maxamuud Saneey, waxana uu dar-daar isugu jira dhiirgelin iyo dar-dargelin howlaha shaqo ee qaranka u hayaan halkaas uga jeediyay Wasiirku saraakiishii uu kulanka la qaatey.
Dhanka kale. Wasiirka ayaa tababar usoo xiray saraakiil dhameysatay tababar layli sarkaal ah kuwaas oo muddo dhowr bilood ah tababar kusoo qaadanayay dalka Uganda, sidoo kalana xerada Jazeera lagu barayay shuruucda iyo dhaqanka laga doonayo askariga Soomaaliyeed.
Taliyaha Xogga dalka Soomaaliya Gen. Daahir Aaden Cilmi, ayaa munaasabadda ka sheegay in ciidamadan lagu soo xulay markii hore shuruudo ay kamid yihiin dabeecad wanaag iyo aqoon, isagoo intaa raaciyay in Soomaaliya ay xiligan ujaheystay sidii ay wadankeeda udhisan laheyd, ciidana ay yihiin kuwii hormuudka u noqon lahaa dib u dhiska Soomaaliya Nabad ah oo xasiloon.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ciidamada tababarka dhameysatay si aad ah ugula dar daarmay in tababarrada ay qaateen ay dadkooda iyo dalkooda ugu shaqeeyaan, waxaana uu ku boorriyay in howlgallada socda ay qayb lixaad leh ku yeeshaan.

no images were found


“Tababarka aad dhameysateen waa mid sare, waxaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan waxqabad muuqda, Haddii aan rabno in adduunka qiimi kulahaano Qarannimaddii Soomaalyeedna si buuxda u soo celino, waxay ku xiran tahay Ciidanka. Ciidankuna in uu qiimi lahaadana waxay ku xiran tahay in shacabka la dhowro lagana ilaaliyo kuwa cadowga ku ah.Waxaan hubaa in askariga Soomaaliyeed uu ka adkeysi badan yahay kuwa caalamka kana dulqaad badan yahay dhan walba, marka loo fiiriyo duruufaha ciidankeennu ku jiro, haddana iyadoo sidaa ay tahay ka xorreynaya dalka Al-Shabaab” ayuu yiri Wasiir oo intaas ku daray.
“Dowladda waxay go’aan ku gaartay inay muhiimadda Koowaad siiso ciidanka dhanka mushaar bixinta, lacagta Dowladda soo gasho, waxa ugu horeeyo ee laga bixiyanayo waa Mushaarka Ciidanka”

Ugu dambeyn, ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa waxaa darajada min hal xidig u xiray Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo uga mahad celiyey saraakiisha Midowga Yurub ee tababarka bixiyey sida ay mar walba u garab taagan yihiin Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed.

—–DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online