Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo sagootiyay da’yar diblomaasiyiin lagu tababari doono Kenya .

April 26, 2015 - Written by Editor

DSC07888Mogadisho:-Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” ayaa maanta ku sagootiyay Qeybta VIP ee garoonka diyaaradaha Muqdisho illaa iyo 9 shaqaale oo ka tirsan Wasaaradda oo loo tababarayo habmaamuuska iyo diblomaasiyadda .

Tababarka oo ay ku deeqday dowladda Kenya, kana socon doona muddo 10 cisho ah Magaalada Mombasa ayaa la filayaa in da’yarta diblomaasiyiinta ka tirsan Wasaaradda ay ka faa’ideysan doonaan casharada iyo tilmaamaha la siin doono .

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa uga mahad-celiyay dowladda Kenya deeqda tababarkaasi , isagoo rajeeyay in tababaro kale oo diblomaasiyadeed ay Wasaaradiisa ka heli doonto dowlado iyo Ururo caalami ah .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa ku howlan dardar-gelinta  habsami u socodka shaqada diblomaasiyadeed, tayeynta iyo sare u qaadida heerka aqoon ee diblomaasiyiinteeda, taasoo horumarin doonta waxqabadka Wasaaradda.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online