2 qof oo galabta lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari
May 10, 2012 - Written byBosaaso:-Allaha u naxariistee waxaa galabta lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ,2 qof ee rayidka ah oo auu rasaas ku furay nin hubeysan xili ay fadhiyeen Makhaayada laga shaaheeyo oo ku taal Xaafada New Boosaaso, 2-da qof ee la dilay ayaa waxaa ay ahaayeen ilmo adeer waxaan lagu kala magacaabi jiray Cali Diib Gurxan iyo Mijir Xasan Gurxan. Ninka dilka geystay ayaa markii hore waxaa uu toogtay Mijir Xasan Gurxan iyadoo ka dib marka falku uu dhacay ayaa waxaa ninkii wax dilay qabtay Cali Diib Gurxan ka dibna waxaa rasaas uu furay u dhintay Cali Diib Gurxan ,Ciidanka Booliska Boosaaso ayaa goobta soo gaaray iyagoo bilaabay howl gal ay ku raadinayaan ninka dilka geystay oo la sheegay in ay la socdeen rag kale oo rasaas furay.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in labada nin ee la dilay uu mid ka mid ah ahaa sarkaal u shegeeya dowlada Hoose ee magaalada Boosaaso
Dilalka qorsheysan ee ka dhici jiray magaalada Boosaaso ayaa istaagay iyadoo taas loo aanaynayo howl galo iyo ciidamo fara badan oo ay maamulka Puntlland soo galiyeen gudaha magaalada Boosaaso.2-da nin ee la dilay ayaa waxaa ay isku dhawaayeen Nabadoon Xuseen Gurxan iyo Duqii hore ee degaanka Galgala Cali Maxamed Gurxan oo sanadkii 2011-kii lagu dilay magaalada Boosaaso.
M_M_Deeq
Halgan.net