Al-shabaab oo sheegtay qaraxii galabta ka dhacay Degmada Dhuusamareeb

May 1, 2012 - Written by

Muqdisho:-Afhayeenka guud ee Ururka Al-Shabaab Sh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere)ayaa caawa si rasmi ah u sheegtay qaraxii galabta ka dhacay Degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud wuxuuna sheegay in ay qaraxaas ku laayeen saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFKM iyo masuuliyiin ka tirsan Mushrikiinta oo uu ula jeedo ururka Ahlu Suna ee suufiyada ah.

Sheekh Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegay in maanta la laayey kuwii Shirqoolay allaha u naxariistee Macalin Xaashi Ceyroow iyo Sh Muxyadiin wuxuuna sheegay in qaraxa lala eegtay saraakiil  itoobiyaan ah ,Wasiirkii hore ee warfaafinta DFKM Axmed Cabdisalaam , xildhibaano iyo masuuliin ka tirsan kooxda Ahlu suna.

Afhayeenka Al-Shabaab Sh Cali Dheere ayaa sheegay in mar walba ay ka hortagi doonaan qorsha walba oo ay hurmuud ka tahay dowlada itoobiya wuxuuna amaan u soo jeediyey mid ka mid ah guutooyinka Al-Shabaab oo maanta fuliyey qaraxii sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Degmada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii maanta la geeyey Degmada Guriceel halkaas oo lagu daaweynayo.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Halgan net waan jeclahay balse waanse nacaa markay buub buuniyaan waxaan baadilka ah fadlan webka ka daaya yaan qiimaha webka hoos u dhicin. sheikh ma istaahilo qof baneestay dhiiga islaamka cidwalbana in sheekh lagu sheego oo weliba saxaafada lagu qoro waxaan u arkaa wax laga fiican yahay,

Leave a comment

*