Al-shabaab oo sheegtay qaraxii galabta ka dhacay Degmada Dhuusamareeb

May 1, 2012 - Written by

Muqdisho:-Afhayeenka guud ee Ururka Al-Shabaab Sh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere)ayaa caawa si rasmi ah u sheegtay qaraxii galabta ka dhacay Degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud wuxuuna sheegay in ay qaraxaas ku laayeen saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFKM iyo masuuliyiin ka tirsan Mushrikiinta oo uu ula jeedo ururka Ahlu Suna ee suufiyada ah.

Sheekh Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegay in maanta la laayey kuwii Shirqoolay allaha u naxariistee Macalin Xaashi Ceyroow iyo Sh Muxyadiin wuxuuna sheegay in qaraxa lala eegtay saraakiil  itoobiyaan ah ,Wasiirkii hore ee warfaafinta DFKM Axmed Cabdisalaam , xildhibaano iyo masuuliin ka tirsan kooxda Ahlu suna.

Afhayeenka Al-Shabaab Sh Cali Dheere ayaa sheegay in mar walba ay ka hortagi doonaan qorsha walba oo ay hurmuud ka tahay dowlada itoobiya wuxuuna amaan u soo jeediyey mid ka mid ah guutooyinka Al-Shabaab oo maanta fuliyey qaraxii sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Degmada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii maanta la geeyey Degmada Guriceel halkaas oo lagu daaweynayo.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online