Afrikan Oil oo war cusub ka soo saartay Shidaalka ay ka qodeyso Puntland(Akhriso)

May 18, 2012 - Written by

Dharoor:-Warsaxafadeed ka soo baxay Shirkada Afrika Oil oo ka mid ah Shirkadaha ka qodaya Shidaalka Puntland gaar ahaan Dooxaha Dharoor ayaa sheegtay in ay gaar tay dhumuc dhulka hoostiisa ah oo gaaraya 3470 mitir waxayna sheegtay in ka gaartay natiijo ka dib markii ay ka heshay Shidaal (Oil And Gas). Shirka Afrikan Oil ayaa sidoo kale xustay in ay riigga u rari doonto ceelka Shabeel 2 oo u jira qiyaastii Shabeel one 3.5 kilometers ujeedada ugu weyn waxay sheegeen in ay tahay in qiimeeyaan Shidaalka Shabeele 2. Warsaxaafadeedka Shirkada Afrika Oil ayaa waxaa lagu cadeeyey in ay dib ugu soo noqon doonaan Shabeel 1 ka dib markii ay wadanka la keeno qalabka tijaabooyinka noocaan ah lagu sameeyo.

Halkan ka Akhriso warsaxaafadeedka Shirkada Afrikan Oil

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa waxaa ay maanta  wax ka soo qortay shidaalka dhawaan laga hellay Puntlland gaar ahaan Dooxada Dharoore ee Ceelka Shabeel 1 oo ay ka socotay howl qodis shidaal ayna ku howlaneed  Shirkadda Horn Petroleum Corp, ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in shidaal ay ka heshay Ceelka Shabeel 1 ee Dooxada Dharoor.

Madax Shirkadda Horn Petroleum Corp oo u waramay Wakaalada wararka ee Reuters ayaa yiri  waxaa aad noo dhiiri gelinaya natiijada hor dhac ah ee ah in shidaal ku jiro  Ceelka Shabeel 1 ee Dooxada Dharoor isagoo sheegay in 2 meel lagu arkay Shidaalka waxaa kale uu sheegay in ay bilaabayaan qodista Shabeele 2.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Asc.
    War xumi tashiilku waxuu waayahaan wareejinayaa (ceelkii Shabeel 1) waxaa isku gooyey Dhagax Buur le`eg oo la dhaafiwaayey ee maxaa ka jira hadalada xaasidiinta soomaaliyeed?
    Waad mahadsan tahiin.
    Waayeel75

  2. masha alaah waa khabar wanaagsan oo saar ah laakiin waxaan had iyo jeer jecelahay in naloo faahfaahiyo inta kamiyo ee qiyaastii kujirta ILAAHAY SWT ayaana awal iyo aakhirba mahada iskaleh waa ceelkii ugu horeeyay oo cariga soomaaliya laga helay shidaal ALOW noobarakee oo kadhig mid diintaada iyo daacadada aanu u kaalmaysano aamiin waana hanti soomaaliyeed ee mahagobol mucayana ama qabiil gooniya miduu ku tasarufaayo dadka qaarbaa laga yaaba inay isdhahaan waalaydinka leeyahay saas mahan waa hanti soomaaliyeed

Leave a comment

*