Banaanbax rabshado wata oo saaka ka dhacay Magaalada Hargeysa

May 17, 2012 - Written by

Hargeysa:-Waxaa saaka ka dhacay Xaafada New-Hargeysa ee duleedka bari ee magaalada Hargeysa Dibadbaxyo rabshado wata oo ay dhigayeen dad shacab ah oo ka caraysanaa xukun dil ah oo ay Maxkamada Militariga  ay ku xukuntay dad shacab ah oo shalay la dagaalama ciidamo ka tirsan kuwa S/lland. Dadkaan shacabka ah oo gadoodsan ay iska horimaad hubaysan ay kala hor tageen ciidanka S/lland ka dib markii dadkaas loo sheegay in dowllada S/lland ay iibsanayso warshadii kabista ee ciidankii xooga dalka Soomaliyeed ay ku lahayeen magaalada Hargeysa.

Iska horimaadka hubaysan ayaa bilow day ka dib markii dad shacab ah oo hubaysan ay weerareen  warshadii Kabista ee ciidankii xooga dalka Soomaliyeed oo ay deganaayeen ciidanka S/lland iyagoo dadkaas ay ku doodayaan in dhulkaas ay iyagu lahaayeen .

Wasiir ka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, oo shalay uga waramay saxaafada iska hormaad ka dhacay xaafada new Hargeysa ee ku taal duleedka bari ee magaallada Hargeysa ayaa sheegay in iska horimaadka ay ku dhinteen ilaa 3 askari oo ka mid ciidanka S/lland, Wasiirka ayaa xusay in dad shacab ah oo gadoodsan ay rasaas kala horyimaadeen ciidanka Booliska rasaastaas oo dhalisay khasaaro dhan ilaa 7 qof oo dhimasho ah 4 ka mid ah yihiin shacab ah iyo 3 askari oo ka tirsan ciidanka S/lland.

Ciidanka S/lland ayaa ku guulaystay in ay kala eryaan dadka shacabka ah ee banaanbax  rabshado wata ay dhigayeen iyagoo gubayey taayaro , dhagaxtuurna  ku bilaabay ciidanka Booliska oo isku dayey in ay amaanka sugaan.

Odayaasha iyo Salaadiinta S/lland ayaa laftigooda qayb ku lahaa kuna guulaystay in aya kala ka xeeyeen dadka shacabka ah ee caraysanaa iyagoo baajiyey in dhiig kale iyo dhibaato intaa ka  badan ay dhacdo, Odayaasha iyo Salaadiinat ayaa dowllada S/lland ka codsaday in dadka xiran la horgeeyo maxkamad cadaalad ah oo madani ah iyagoo ugu baaqay dadka shacabka ah in ay ka fogaadaan wax walba oo amaanka wax u dhimaya.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online