Ciidamada Booliska dalka Kenya oo lagu qarxiyey Dhadhaab waqooyiga bari Kenya
May 15, 2012 - Written byNairobi:-Wararka naga soo gaaraya xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee waqooyiga bari ee Kenya ayaa sheegaya in qarax miino lagu weeraray ciidamo Boolis ah ee dalka Kenya kuwaas oo marayey Duleedka Degmada Dhadhaab waxaana qaraxa ku dhintay hal askari halka ay ku dhaawacmeen labo kale.
Taliyaha ciidanka booliiska ee gobolka waqooyi-bari ee dalka Kenya, Leo Nyongesa.oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in miino kuwa dhulka lagu aaso lagu qarxiyey askar waardiye ka haysay gaari ay lahaayeen hay’ad samafal oo ka howlgasha xerada Dhadhaab wuxuuna xaqiijiyey dhimashada hal askari iyo dhaawaca laba kale.
Xerada Qoxootiga ee Dhadhaab ayaa waxaa ku jira qoxooti Soomaaliyeed oo tiradooda lagu qiyaasay 450,000 kuwaas oo ka soo qaxay dagaaladii cuslaa ee ka dhacay Koonfurta dalka Soomaaliya.
Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay qaraxa maanta duhurkii lagu weeraray ciidamada Booliska ee dalka Kenya kuwaas oo marayey duleedka xerada Dhadhaab ee waqooyiga bari ee Kenya.
A/Cawale
Halgan.net