Ciidamada DFKM oo howlgalo ka wada magaalada Muqdisho maalintii Labaad

May 11, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ciidamada DFKM ayaa maanta mar kale waxay hawlgallo ka bilaabeen magaalada Muqdisho iyaga oo xiray waddada isku xirta Igoysyada Soope iyo Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaana ay burburin ku bilaabeen sandaqo iyo goobo ganacsi oo laga dhisay wadada

Ciidamada DFKM oo ay weheliyaan kuwa AMISOM ayaa sidoo kale baaritaano ka sameeyey dhismayaasha ku dhow Isgoyska Soope iyaga oo baarayey sidoo kale gawaarida Bl-ka ah iyo kuwa raaxada oo ay sida gaarka u leeyihiin shacabka.

Waxaa hakad galay isku socodka gawaarida u kala gooshi jirtay KM4 iyo Ex-Control Afgooye waxaana anitaas cabasho ka muujiyey dadweyne badan oo lahaa goobo gancsi oo ay ciidamada Burburiyeen waxaana rasaas is weydaarsaday ganacsatadii iyo ciidamada DFKM.

Dadweyne Careysan ayaa sidoo kale dab qabadsiiyey shaagagga waxayna diideen in ciidamada ay fuqiyaan goobo ganacsi oo ku yaalay isgoyska Zope iyo meelo ku dhow isgoyska Banaadir .

Saraakiisha ciidanka DFKM ayaa sheegaya in howlgaladaan ay qayb ka yihiin dadaalka ay dowladu ugu jirto sugida amaanka magaalada Muqdisho iyo ka hortaga weerarada lagu qaado ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM.

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka nastay dagaaladii Cuslaa ee dhexmari jiray ururka Al-Shabaab iyo kuwa DFKM oo ay kaabayaan kuwa AMISOM balse waxaa jira dilal ka dhaca magaalada Muqdisho.

 

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online