Ciidamada Kenya oo qarax lagula eegtay magaalada Mandheera.

May 21, 2012 - Written by

Mandheera:-Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ayaa sheegaya in qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan Booliska dalka Kenya kuwaas oo marayey xaafadda Buulo-jineefa ee magaalada Mandheera warar hordhac ah ayaa sheegaya in  saddex qof oo laba ka mid ah ay yihiin Boolis ay ku dhaawacmeen halka qofka kale oo rayid ah uu ku dhaawcmay.

Qaraxa lagu weeraray ciidamada Kenya ayaa waxaa loo adeegsaday Miino dhulka lagu aasay taas oo burbur gaarsiisay gaari ay wateen ciidamada Booliska ee dalka Kenya.

Qaraxa ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo tiro badan kuwaas oo baaritaano ka bilaabay dhamaan guryaha ku dhow halka uu qaraxa ka dhacay waxayna bilaabeen in qabqabtaan dad tiro badan iyaga oo geeyey saldhiga Booliska ee Degmada  Mandheera.

Saraakiisha ciidanka dalka Kenya ayaa inta badan waxay eeda qaraxyada ka dhaca dalkooda dusha uga tuuraan Ururka Al-Shabaab ,Ka dib markii ay hanjabaadyo badan ay soo jeedsheen madaxada ururka Al-Shabaab iyaga wacad ku maray in ay ka jawaabi doonaan duulaanka qaawan ay ciidamada Kenya ku soo qaadeen gobalada J/hoose iyo Gedo.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online