Ciidanka Al-Shabaab oo caawa Dagaal culus ku qaaday ciidamada DFKM iyo kuwa Kenya
May 30, 2012 - Written byKismaayo:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in caawa dagaal saf balaaran ay qaadeen ciidamada al-Shabaab ka dib markii ay maanta duhurkii ku soo dhawaadeen ciidamada DFKM kuwa Kenya iyo Raaskaambooniyiinta Deegaanka Xayo.
Dagaalka caawa ayaa ah mid culus waxay Al-Shabaab ku doonayaan in ay dib u celiyaan ciidamada huwanta oo maanta dagaal ku soo qaaday deegaanka Xayo kuwaas oo ku fashilmay in ay qabsadaan Deegaanka Xayo ka dib markii ay jilibka u dhigeen ciidamada Al-Shabaab
Wariyaha Halgan.net ee magaalada Kismaayo Cabdi Yare oo caawa xiriir kala duwan la sameeyey Deegaanka Xayo ayaa waxaa loo xaqiijiyey in ciidamada Al-Shabaab ay caawa wili ku sugan yihiin Deegaanka Xayo difaac ay kaga jiraan.
Ciidamada Huwanta ayaa maanta ka soo ruqaansaday Deegaanka Qooqaani oo 57 km u jirta degmada Afmadow waxaana uu dagaal culus galabta ka dhacay Duleedka deegaanka Xayo oo 27km u jira Degmada Afmadow.
Xaalada Degmada Afmadow ayaa caawa waxaa ka jira dhaqdhaqaaq ciidan ay wadaan ciidamada Al-Shabaab halka shacabkii deganaa Afmadow ay walaac ka qabaan dagaalka uu ku soo fido.
Ciidamada Kenya ayaa dagaalkii duhurkii ka dhacay duleedka Deegaanka Xayo waxaa ay u isticmaaleen wixii ay awood hayeen iyaga oo taangiyo iyo diyaarado ku duqeeyey Deegaanka Xayo waxaana jira khasaaaro kala duwan iyo dhaawac la keenay Degmada Afmadow.
Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in maraakiibta dagaalka ee ciidamada Kenya ay duqeyn ka geysteen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/Hoose.
Cabdi Yare
Halgan.net