Ciidanka amaanka ee Boosaaso oo xabsiga u taxaabay dad aad u tiro badan

May 12, 2012 - Written by

Boosaaso:-Ciidanka amaanka ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa saaka howlgalo ay sameeyeen waxay xabsiga u taxaabeen dadweyne tiro badan ka dib markii looga shakiyey in ay wax u dhimayaan amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Puntland.

Howlagaladan ayaa waxay ciidamada bilaabeen saaka si kadis ah iyaga oo guryaha iyo Hotelda iyo qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ka qabtay dhalinyaro waxaana lagu xiray saldhiga Dekkada magaalada Boosaaso halkaas oo su,aalo lagu weydiinayo.

Qaar ka mid ah dadkii saaka laga qabtay magaalada Boosaaso ayaa dib loo soo daayey waxaana wili socda howlgalada ay wadaan ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso.

Ilo wareed ku sugan magaalada Boosaaso ayaa u sheegay Halgan.net in xabsiga la dhigay rag looga shakisan yahay in ay dileen Cali Diib Gurxan iyo Mijir Xasan Gurxan.

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowladda Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dilalka ka dhaca magaalada Boosaaso iyo Gaalkacyo ay ka danbeeyaan kooxaha amniyaadka ee al-Shabaab wuxuuna ku faanay in ay gacanta ku dhigeen 10-qof oo ka tirsan Al-Shabaab.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online