Ciidanka dalka Kenya oo Madaafiic ku duqeeyey duleedka Qooqaani

May 3, 2012 - Written by

Kismaayo:-Ciidanka dalka Kenya iyo ciidamo soomaali ah oo ay gacan siinayaan ayaa xalay madaafiic ku garaacay duleedka degaanka Qooqaani ee Gobolka Jubada hoose iyadoo wararka ka soo baxay duqeyntaas ay sheegayaan in uu ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal u hadlay Ciidanka Kenya ayaa sheegay in ciidankoodu ay duqeeyeen xalay fariisamo ay ku lahaayeen duleedka Qooqaani ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ayna gaar siiyeen khasaaro kale duwan. Ilaa hadda si rasmi ah looma yaqaan goobaha ay duqeeyeen ciidanka huwenta ah ee ay hogaaminayaan ciidanka dalka Kenya balse waxaa jira in ciidanka Al.shabaab aysan lahayn fariisamo gaar ah iyagoo ciidamadood u qaybiyey kooxo yar yar si dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ay ugu qaadaan ciidanka huwenta ah ee ay hogaamina yaan ciidanka dalka Kenya ee weerarka ku haya degaanada ay weli gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab ee ku yaal Gobolka Jubada Hoose.

Duleedka Qooqaani ayaa saaka waxaa ka jira dhaqdhaqaaq ciidan oo ay samaynayaan ciidamada huwanta ah oo iyagu xalay madaafiic ku garaacay goob ka tirsan degaanka Qooqaani ee Gobolka Jubada Hoose, dadka shacabka ah ee fara ku tiriska ee degaanadaaas weli ku nool ayaa muujiyey cabsi iyo walwal ay ka qabaan dagaalo iyo duqeymo hor leh oo ay ciidanka dalka Kenya ka geystaan degaanka Qooqaani iyo deegaanada ku xeeran.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online