Dagaal xalay ka dhacay degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose
May 14, 2012 - Written byWaxaa xalay ka dhacay degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose iska horimaad hubaysan oo u dhexeeya ciidanka dalka Kenaya oo gacan siinbaya ciidamo Soomaali ah iyo ciidanka ururka Al-shabaab oo iyagu weeraray fariisamo ay ciidanka dalka Kenya iyo Ciidamo Soomaali ah oo sheegay in ay ka tirsan yihiin DFKM ay ku la haa yeen degmada Badhaadhe, dagaalka xalay ayaa ahaa mid xooggan waxaan uu socoday mudo ku dhow saacad.
Dad goob joogayaal ah ayaa saxaafada u sheegay in dagaalka xalay uu ka dhashay khasaaro dhimasho ah oo gaaray ilaa 6 qof oo ka tirsan ciidamada dagaalku dhexmaray iyadoo xaalada degmada Badhaadhe ay saaka tahay mid degan, Saraakiisha ciidanka dalka Kenaya ayaan ilaa hadda wax faahfaahin ah ka bixin khasaaraha ka soo gaaray dagaalk xalay dhinacooda balse sheegay in ay saxaafada uga warami doonaa dagaalkii xalay lagu ekeeyey fariisamahooda.
Saraakiil u hadlay ciidanka ururka Al-shabaab oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dagaalkii xalay ay guul ka gaareen u jeedadii ay lahaayeen ay gaareen waxaan uu sheegay in khasaaro xooggan ay gaarsiiyeen ciidanka dalka Kenya iyo ciidanka DFKM iyo kuwa Raas kaambooni oo gacan iyo taareego ka hella ciidanka Kenya.
Ma jiraan ilo rasmi ah oo laga helli karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka maadaam dagaalku uu dhacay waqti habeen ah oo dadku ay hurdeen goobta uu ka dhacayna ay ahayd fariisamo ay degmada Badhaadhe ay ku lahaayeen ciidanka dalka Kenya ,DFKM iyo kuwa Raaskaambooni.
A/cawaale
Halgan.net