Dagaal xalay ka dhacay degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose

May 14, 2012 - Written by

Waxaa xalay ka dhacay degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose  iska horimaad hubaysan oo u dhexeeya ciidanka dalka Kenaya oo gacan siinbaya ciidamo Soomaali ah iyo ciidanka ururka Al-shabaab oo iyagu weeraray fariisamo ay ciidanka dalka Kenya iyo Ciidamo Soomaali ah oo sheegay in ay ka tirsan yihiin DFKM ay ku la haa yeen degmada Badhaadhe, dagaalka xalay ayaa ahaa mid xooggan waxaan uu socoday mudo ku dhow saacad.

Dad goob joogayaal ah ayaa saxaafada u sheegay in dagaalka xalay uu ka dhashay khasaaro dhimasho ah oo gaaray ilaa 6 qof oo ka tirsan ciidamada dagaalku dhexmaray iyadoo xaalada degmada Badhaadhe ay saaka tahay mid degan, Saraakiisha ciidanka dalka Kenaya ayaan ilaa hadda wax faahfaahin ah ka bixin khasaaraha ka soo gaaray dagaalk xalay dhinacooda balse sheegay in ay saxaafada uga warami doonaa dagaalkii xalay lagu ekeeyey fariisamahooda.

Saraakiil u hadlay ciidanka ururka Al-shabaab oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dagaalkii xalay ay guul ka gaareen u jeedadii ay lahaayeen ay gaareen waxaan uu sheegay in khasaaro xooggan ay gaarsiiyeen ciidanka dalka Kenya iyo ciidanka DFKM iyo kuwa Raas kaambooni oo gacan  iyo taareego ka hella ciidanka Kenya.

Ma jiraan ilo rasmi ah oo laga helli karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka maadaam dagaalku uu dhacay waqti habeen ah oo dadku ay hurdeen goobta uu ka dhacayna ay ahayd  fariisamo ay degmada Badhaadhe ay ku lahaayeen ciidanka dalka Kenya ,DFKM iyo kuwa Raaskaambooni.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online