Dagaalo culus oo xalay ka dhacay magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan
May 7, 2012 - Written byHiiraan:-Dagaal culus ayaa xalay ka dhacay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana uu dagaalka dhexmaray ciidamada Huwanta ah iyo kuwa Al-Shabaab. Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa uu ka dhacay galbeedka magaalada B/weyne gaar ahaan xaafada howlwadaag.
Dagaal ka ayaa waxaa uu si toos ah u qarxay saacada markay ahayd 01:00 habeenimo waxaana dagaal qorsheysan qaaday ciidamada Al-Shabaab iyaga oo adeegsanaya qoryaha boobaha iyo Madaafiicda garabka laga tuuro.
Dagaalka xalay ayaa waxaa uu khasaaro gaarsiiyey labada dhinac waloow aan la aqoon tirada rasmiga ah oo wax ku noqday dagaalkii xalay.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Hiiraan ee dhinaca amniga Axmed Cusmaan Cabdalle ayaa sheegay in al-Shabaab ay soo qaaday weerarka, ka dibna ay iska difaaceen khasaaro xooggana ay gaarsiiyeen wuxuuna sheegay in ay dileen 8 askari oo ka tirsan Al-Shabaab qaar kalana ay dhaawaceen.
Dhanka kale sarkaal u hadlay Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay khasaaro lixaad leh ay u geysteen ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM wuxuuna sheegay in xalay ay qabsadeen mudo kooban xaafado ka tirsan magaalada B/weyne ee xarunta gobalka hiiraan.
Magaalada B/weyne ayaa saaka deggan waxaana jira howlgalo ay magaalada ka sameeyeen saaka ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM .
C/Casiis Maxamed
Halgan.net