Dagaal culus oo ka socda duleedka magaalada Muqdisho

May 22, 2012 - Written by

Afgooye:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka waabarigii uu ka qarxay duleedka magaalada Muqdisho ka dib markii ay ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ay duulaan ku qaadeen jidka dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Wariyaha Halgan.net ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaal culus uu ka socdo dhulka howdka ah ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye ee Degmada dayniile . taliska ciidamada AMISOM ayaa xaqiijiyey in uu dagaal socdo balse kama bixin wax faahfaahin .

Waxaa xirmay gabi ahaan isku socodka magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye waxaana si weyn looga maqlayaa wadadda u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye madaafiicda ay ridayaan ciidamada AMISOM.

Ilaa haatan wax war kama soo bixin hogaanka sare ee Ururka al-Shabaab ,Halgan.net ayaa xiriir kala duwan la sameysay magaalada Muqdisho iyo Afgooye waxaana loo xaqiijiyey in la maqlayo Madaafiic iyo Hoobiyaal ay is dhaafsanayaan ciidamada huwanta iyo kuwa Al-Shabaab.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ayaa ku fashilmay marar badan in ay ka gúdbaan Degmada Dayniile halkaas oo ay difaacyo adag ku leeyihiin dagaalyahanada ururka Al-Shabaab .Degmada Dayniile ayaa ah Degmo Balaaran howd ah ah Istaraatiijina ah cidii gacanta ku wada qabatana ay uga gudbi karto gobollada dalka.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online