DFKM oo guulo ka sheegatay dagaalada ka socda duleedka Muqdisho iyo Al-Shabaab oo beeniyey

May 22, 2012 - Written by

Afgooye:-Saraakiisha horkacaya ciidanka DFKM ayaa markii ugu horeysay ka warbixiyey dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybo ka mid ah Degmada Dayniile waxayna guulo ka sheegteen dagaalka iyaga oo ku faanay in ay goobo hor leh ka qabsadeen Ururka Al-Shabaab.

Abaanduulaha ciidamada milateriga ee DFKM , Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) iyo taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada DFKM  Jen. Cabdullaahi Cali Caanood ayaa shirjaraa,id ku qabtay Degmada Dayniile waxay sheegeen in ay ciidamadooda guulo ka gaareen dagaalka saaka  Degmada Dayniile.

Taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada DFKM  Jen. Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ay qabsadeen Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Dayniile wuxuuna sheegay in ay ka gudbeen deegaanada Garasbaaley iyo KM-13 ,ma jiraan cid ka madax banaan oo xaqiijinaysa guulaha ay sheegteen AMISOM iyo kuwa DFKM .

Dhanka kale afhayeenka howlgalada ee Ururka al-Shabaab C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in markii 3aad ay ku jabiyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM Degmada Dayniile wuxuuna sheegay in dagaalka maanta ay ka qeyb qaateen saraakiil cadaan ah .

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa beeniyey guulaha ay sheegteen ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM wuxuuna beeniyey  in deegaano looga qabsaday dagaalkii saaka wuxuuna ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidanka AMISOM  Pandy Nkunda oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Burundi oo ka tirsan kuwa AMISOM ay weerarka qaadeen iyaga oo taageeraya kuwa DFKM sida loo sugo ayuu yiri wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho isaga oo ku faanay in ay howlgaladaas guul ka gaareen.

Dagaalka maanta ayaa waxaa ku dhaawacmay 12 qof oo uu ku jiro sawir gaade ka tirsan Tv Royal24 waxaana ku dhintay 4 kale  ilaa haatan si rasmi ah looma oga khasaaraha gaaray ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online