DFKM oo warsaxaafadeed ka soo saartay shirka saxiixayaasha Roadmap-ka ee Addis Ababa

May 21, 2012 - Written by

Addis Ababa :-Waxaa maanta Xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa si rasmi ah uga furmay shirkii Madaxda Soomaaliyeed ee Saxiixayaashii Roadmap-ka. Shirkan oo galabta ka furmay Xarunta Midowga Afrika Qolka VIP-da ayaa waxaa furitaankiisa marti gelisay Midowga Afrika.

Xafladdii furitaanka shirka ayaa waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed, waxaana sidoo kale khudbado halkaas ka soo kala jeediyey Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika oo ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Ghana Jerry Rowlings, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden, Ra’iisul Wasaaraha Prof Abdiweli Mohamed Ali, Madaxweynaha Puntland Abdirahman Mohamed Mohamud Farole, Madaxweynaha Galmudug Mohamed Ahmed Alim iyo Madaxda Ahlu Sunna Waljameeca oo ay u hadleen Abdulkadir Moallim Nur iyo Sheikh Mohamed Aw-Libaax iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Dr Augustine Mahiga. Shirka waxaa goob joog ka ahaa beesha caalamka gaar ahaan Midowga Yurub, Mareykanka, Ingiriiska iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxda Soomaalida ayaa dhammaantood muujiyey sida loogu baahanyahay in shirkan uu u noqdo mid horumariya dhammaan dadaalada socda ee lagu soo af-jarayo xilliga KMG ah. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku ammaanay madaxda Soomaalida sida ay diyaarka ugu yihiin wadashaqeyn buuxda iyo sidii horey loogu sii horumarin lahaa qorshaha Roadmap-ka.  Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xasuusiyey beesha caalamka iyo Midowga Afrika in Madax Dhaqameedkii Soomaalida ay Muqdisho ku sugan yihiin dhowaana la rajeynayo inay soo dhameystiraan xulidda Ergada Ansixinta Dastuurka iyo xubnaha Baarlamaanka cusub, beesha caalamkana looga baahanyahay inay sii kordhiyaan dadaalkooda.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay 12 sano ku jirto KMG loona baahanyahay in marka la soo afjaro, waxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay rajo wanaagsan ka qabaan sidii loo dhameystiri lahaa qorshaha Roadmap-ka oo hamiga shacabku uu aad u sarreeyo. Waxuuna talo ku soo jeediyey in guddi 15 xubnood ah ee Madax dhaqameedka ka mid ah in la sameeyo si ay u xaliyaan khilaafka beelaha qaarkood ee xubnaha matalaya beeshooda ee Madax Dhaqameedka ah.

Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxda Ahlu Sunna ayaa iyagana khudbado ka soo jeediyey furitaankii xafladda shirka Madaxda Soomaalida.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Ergeyga Gaarka ah ee XG ee QM Ambassador Mahiga oo ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha dadaalkiisa iyo fikirka ah in guddi 15 ah ee Madax Dhaqameedka la sameeyo oo ay xaliyaan khilaafka jira. Waxuuna sheegay inay muhiim tahay in Madaxda Soomaalida ay shirkan ka soo saaraan go’aanno muhiim ah.

Jerry Rowlings ayaa aad u ammaanay horumarka Soomaaliya maanta ka jira oo uu si gaar ah uga mahadceliyey Madaxda Soomaalida iyo shacabka Soomaaliyeed, waxuuna sheegay in qorshaha Roadmap-ka uu si fiican u socdo kalsooni fiicanna geliyey beesha caalamka iyo Midowga Afrika oo uu sheegay in soo dhameystirka Dastuurka ay muhiim u tahay qorshaha soo dhameystirka Xilliga KMG ah.

Ka dib xafladdii furitaanka ayaa waxaa bilowday shirkii Madaxda Soomaalida oo beesha caalamku ay goobta ka baxeen shirkana si hoose ay Soomaalidu isu wareysanayeen. Shirkan ayaa lagu wadaa inuu caawa sii socdo ilaa iyo berri oo la filayo inay go’aanno muhiim ah soo baxaan.   –

– DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia

& Spokesperson of the Government

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online