Dhaqdhaqaaq ka jira caawa wadadda isku xirta ee degmada Afgooye iyo Balcad

May 27, 2012 - Written by

Afgooye:-Wararka caawa naga soo gaaraya Degmada Afgooye ayaa sheegaya in caawa Dhaqdhaqaaq ciidan uu ka jiro wadad isku xirta  Afgooye iyo Balcad waxaana laga cabsi qabaa in dagaal culus uu ka dhaco ka dib markii ay isku soo dhawaadeen ciidanka DFKM ,AMISOM iyo Al-Shabaab. Ciidamo tiro badan oo uu horkacyo Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ee  Ururka Al-Shabab Sheekh Yuusuf Kabo ku Tukade ayaa diyaar garow ka wada jidka dheer ee aada Balcad gaar ahaan deegaanka Basra.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada DFKM ayaa ku goodiyey caawa in ay qabsan doonaan waddada isku xirta Afgooye iyo Balcad halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka Al-shabaab.

Afhayeenka dhinaca howl galada ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscad ayaa wacad ku maray in ay dagaalka joojin doonin isaga oo sheegay in farsamada dagaalka badaleen ayna naafeyn doonaan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM kuwaas oo ku faafay dhul balaaran oo aysan xakameyn karin.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

272,306 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>