Jaban oo Kuwareejisay Gawaari iyo Qalab Kala Duwan Ciidanaka Booliska DFKM(Warsaxaafadeed)

May 7, 2012 - Written by

Muqdisho:-Dowlada Jaban ayaa maanta ku wareejisay Dowlada KMG deeq ay ugu tala gashay Ciidanka Booliska Soomaalyeed deeqdaan ayaa ka koobanayd 16 Land Garuuser, 2 Ambalaas 2 gaari oo kuwa ciidanka lagu qaado ah iyo jaakadaha laga xirto xabadda ( Bullet Proof Jackets ) iyo koofiyadaha aan xabadu karin.

Ugu horayntii waxa kahadlay xafladii lagu wareejinayey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaalyeed Gen. Shariif Shiikhuna isagoona uga mahad celiye deeqdaan balaaran dowlada Jaban, waxaana uu u xusay inaysan ahayn deeqdaan tii ugu horaysay oo ay kahelaan dowlada Jaban oo ay sidoo kale qayb libaax kaqaataan mushaaraadka ciidanka iyo qalabayntoodaba isla markaana ay rajaynayaan in deeqdaana aysan noqon doonin tii ugu danbaysay, Gen. Sheekuna waxaa uu sheegay in qalabkaan lagu wareejiyey uu waxbadn kabadali doono tayeenta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed siina laba jibaarayaan dadaalkooda ku aadan soo celinta nabada iyo kala danbaynta.

Waxaana isna xaflada kahadlay Safiirka Jaban ufadhiya dalka Kenya Amb. Shahisa Takeda isagoo sheegay inay tahay markii ugu horaysay oo uu yimaado magaalada Muqdisho aadna ugu faraxsanyahay so dhaweynta loo sameeyey, waxaa kale oo uu sheegay in Shacabka Jabaan deeqdaan ay katimid uguna tala galeen inay ku caawiyaan walalahooda Soomaaliyeed siina wadi doonaan qalabaynta iyo dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliya dhawaana ay soo gaarsiin doonaan qalab kala duwan.

Sidoo kale waxaa khudbad kajeediyey wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane. Cabdi Samad Macalin Maxamuud isagoo dhankiisa sheegay in deeqdaan katimid shacabka iyo dowlada Jaban ay sare u qaadi doonto awooda ciidanka Booliska una sahlayso in Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed wax weyn kusoo kordhiyaan sugida nabadgalayada.

no images were found

Ugu danbayntii waxaa goobta ka kahadlay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas waxaana uu mahadcelin baalaran u jeediyey Dowladda iyo Shacabka Jaban waxaana uu sheegay Ra’iisul Wasaare Gaas in Dowlada Jaban ay mudo badan lagarab taagnaayeen taageero nooc kastaba leh, kana mid yihiin wadamadda ka caawiya dalka Soomaaliya taba barida iyo qalabaynta Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Waaxaa kale oo Ra’iisul wasaare Gaas kulan laqaatay safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Kenya Amb. Etiennia de Poncins waxaana Ra’iisul wasaaruhu uu hambalayo udiray shacaka dalka Faransiiska doorshadii ay doorteen Madaxweynahooda cusub Francios Hollande sidoo kale waxay kawada hadleen xariirka soo jireenka ah oo u dhexeeya labada wadan.

——DHAMAAD—–
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online