Eng.Yarisow oo ku tilmaamay dadka ka soo horjeeda Dustuurka Qaswadayaal(Warsaxaafadeed)

May 1, 2012 - Written by

Muqdisho:-La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Af-hayeenka Dowladda ayaa maanta si kulul uga jawaabay hadalo ka soo yeeray Kooxo uu ku tilmaamay Qaswadayaal (Spoilers) oo maalmahan bulshada Muqdishu isku dayayey inay ku kiciyaan hab beel iyagoo si khalad ah u fasirayey Qabyo Qoraalka Dastuurka.

Eng. Yarisow ayaa yiri “ Dowladda iyo Beesha Caalamkaba waxaa ka go’an in kooxaha Qaswadayaasha (Spoilers) ah ee sida bareerka ah uga soo horjeeda in xilliga KMG ah la soo afjaro oo la helo isbedel dhab ah oo shacabka u keena horumar iyo maamul wanaag in lagu dari doono liiska Qaswadayaasha (Spoilers) oo keeni karta in cunaqabateen lagu soo rogo, isla markaana la hor-geeyo maxkamadda caalamiga ah.”

“ Beryahan waxaa Muqdisho isku abaabulayey kooxo doonaya in xaaladda murugada leh ee cakiran ee laga soo gudbay inay dib-ugu celiyaan shacabka Soomaaliyeed. Shacabku waxey maanta heleen amni iyo nabad oo ganacsatadii iyo shacabkaba ay Muqdisho ku sameeyeen dib-u-dhis xoog leh oo soo celisay bilicdii iyo rajadii Muqdisho. Sidaas daraadeed Shacabka diyaar uma aha in dib loo noqdo. Kooxahan waxey diidanyihiin isbedel oo ay rabaan in aan la ansixinin dastuurka oo aan la helin dowlad rasmi ah oo ku dhaqanta shareecada Islaamka iyo maamul wanaag.” Ayuu sii raaciyey Eng. Yarisow

Waxey aheyd 23kii Febraayo markii Hillary Clinton ay sheegtay in Qaswadayaasha (Spoilers) ee isku daya inay is hortaagaan barnaamijka Xilliga Kala Guurka ah in Caalamku uu ku soo rogayo cunaqabateen. Sidoo kale QM iyo AU in badan ayey sheegeen inaan marnaba la aqbali karin in kooxo ama shaqsiyaad caqabad ku noqdaan horumarka nabadeynta iyo xasilinta dalka.

Kooxahan waxey caadeysteen inay si khaldan u sharaxaan Qabyo Qoraalka Dastuurka oo ay ujeedooyin kale ka leeyihiin. Dastuurku waxuu ku ansixi karaa oo kaliya afdi dadweyne, shaqsi walbana waxuu heli doonaa fursad uu ku sameeyo isbedel, ku daris iyo ka dhimis. Shaqsiyaadkan iyagoon akhrisan ayey waxey been ka sheegeen arrimaha dastuurka sida jinsiyada iyo Diinta. Qabyo Qoraalka Dastuurka ayaa sheegaya dhanka jinsiyada sidan: “ Shacbiga Soomaaliyeed waa mid lamina kala qeybin karo, waxuuna ka kooban yahay dhammaan muwaadiniinta. Jinsiyadd Soomaaliyeed waa mid qur ah, sharci gaar ah ayaana xaddidaya sida lagu helayo, lagu laalayo ama lagu waayayo. Qof leh jinisyadda soomaaliyeed lagama qaadi karo jinisiyadda soomaaliyeed, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale. Diidmada, laalista iyo ka qaadista jinsiyadda laguma xiri karo asbaabo siyaasadeed.”

Sidoo kale Dastuurka cusub ayaa sheegaya dhanka Diinta sidan:“ Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada Nabigeenna Muxammed (NNK), waxuuna ilaalinayaa maqaasidda ( ujeeddooyinka) shareecada iyo caddaaladda bulshada. Soomaaliya waa dal Islaam ah, kana mid ah ummadaha Afrikaaanka iyo Carabta. Islaamka Waa Diinta Dowladda. Diin aan aheyn Diinta Islaamka laguma faafin karo dalka.”

Sababaha keenaya in kooxahan ay beer abuur cad ka sheegaan dastuurka ayaa ah iyagoo diidan in isbedel dhaco rabana inay sii joogaan oo ay sidii hore Soomaaliya ku soo noqoto oo collaado, dagaallo, iyo amni daro waarta. Ha yeeshee Dowladda iyo Shacabkaba waxaa ka go’an inay sii xoojiyaan horumarka ballaaran ee dhan walba ah isla markaana la soo afjaro xilliga kala guurka ah bisha August oo la helo dowlad caadil ah oo karti iyo hufnaan leh oo awood u leh inay dalka u horseedo midnimo, wallaaltinimo, horumar iyo barwaaqo.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Asc waaxan salaamayaa walaalaha hagan.net marka labaad waxaan aaminsanahay in aan la qasbi karin bolsho dhan oo wax ku leh masiirka wadanka waxaa wajib ku ah dadka hor boodayo dastuurka cusucb in ay tix geliyaan bulshada muqdisho ee aan fikirkooda isbaaaro loo dhigan waa hadii laga run sheegayo waxa ay ku magacaabaan xuriyatul qowl ma ahan in nin masuul ah uu af lagaadeeyo ku na tilmaamo qof cabirayo dareenkiisa qas wade iyo wax la midf ah (umad waliba aayeheeda inay garato iyadaa leh )www.

Leave a comment

*