Garaad Cadulaahi Cali Ciid talo ayaan ula soo noqonay Puntland (Dhageyso)
May 15, 2012 - Written byGaroowe:-Garaad Cadulaahi Cali Ciid ayaa markii ugu horeysay ka warbixiyey sababaha ay dib ugu soo laabteen magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland Garaadka ayaa sheegay in Dustuurka qabyo qoraalka ee DFKM uusan dhameystirneyn lana aqoon ilaa wakhtiga uu dhamaanayo sidaa darteed ay talo ula soo laabeen madaxda iyo waxgaradka Puntland.
Garaad Cadulaahi Cali Ciid ayaa meesha ka saaray warar ay baahiyeen warbaahinta saaka taas oo ahayd in ay Isimada Puntland ay ka soo caroodeen shirka odayaasha dhaqanka uga socda magaalada Muqdisho kaas oo odayasha dhaqanka Soomaaliya ay ku soo xuli doonaan ergada ansaxin doonta Dastuurka ay yeelan doonto dowlada rasmiga ah ee lagu wado in la dhiso bisha 8aad ee sanadkan 2012 ka.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga Garaad Cadulaahi Cali Ciid uu siiyey galabta Idaacada VOA qeybteeda afka Soomaaliga.
[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/izyddjsjqr/ciid.mp3]
M_M Deeq
Halgan.net