Golaha Wasiiradda DFKM oo kulmay kana hadlay shirka Istanbul II
May 31, 2012 - Written byMuqdisho:-Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka Ganacsigga & Warshadaha Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Howlgalkii Ciidamada ,Amaanka dalka,iyo Shirka Turkiga.
Ugu horeyntii Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Maxamuud Macalin Nuur, ayaa ka warbixiyay amaanka dalka gaar ahaan goobihii laga xureeyay Kooxaha nabad diidka ah ee inta u dhaxeyso Afgooye iyo Muqdisho.
Sidoo kale, Wuxuu Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Golaha u sheegay in howlgaladii Militari ay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee gacanta ku dhigay inta u dhaxeyso Afgooye iyo Muqdisho iney ciidamada sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Kooxaha nabad diidka ah ilaa dalka oo dhan laga xureeyo.
Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka siiyey Golaha Shirka ka soconaya Istanbuul ee dalka Turkiga kaas oo ay ka qeyb galayaan dhamaan dhinacyada Soomaalida islamarkaana laga rajeynayo inuu ka soo baxo war dhaxalgal u ah shacabka Soomaaliyeed.
Golahu waxey ku ammaaneen ciidanka XDS iyo AMISOM guulaha is-daba-jooga ah oo ay kooxaha nabad-diidka ah uga xorreynayaan dalka. Golahu waxey kaloo ku ammaaneen ciidanka sida loo bad-baadiyey shacabka oo aan wax khasaaro ah aysan ciidamadu u geysan. Waxeyna Golahu ka codsadeen Hay’adaha Gar-gaarka in shacabka si deg-deg ah loola soo gaaro gurmad gar-gaar.
Ugu danbeyntii golaha wasiiradu waxey dhiiro gelin u direen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM islamarkaana ku amaaney sida ay u badbaadiyeen Shacabka Soomaaliyeed.
– DHAMAAD –
office of the PM