Hay’adda Somali Advice and Information Services oo Tcasi dirtay
May 7, 2012 - Written byLondonDhamaan maamulka iyo shaqaalaha hay’adda SOMINFOS ee magaalada Leicester waxay ay tacsi naxdin leh u dirayaan dhamaan qoyskii iyo eheladii iyo waliba shacabka iyo dowladda Puntland, ka dib geeridii ku timid wasiiru dowlhii Dastuurka dowlladda Puntland Dr Cabdi Xassan Jimcaale. Allaha u naxariistii Wasiirudowlhii dastuurka Puntland Dr Cabdi Xasan Jimcaale oo u geeriyooday xanuun lasoo darsay maalmihii la soo dhaafay maantana ku geeriyooday magaaladan London ee caasimada dalka Ingriiska.Dr Jimcaale ayaa waxaa uu ahaa shaqsi isku darsa day aqoon, wadaniyad iyo waliba isagoo ahaa qoraa sare, qoreyna qoraalo iyo buugaag fara baddan.
Dhamaan Shacabka ku nool Puntland iyo waliba guud ahaan Soomaaliya ayaa waxaa uu noqon doonaa shaqsi taariikhdiisa aad looga xuso iyo waliba howilhii muhiimka ahaa ee uu dalka u qabtay. Hay’adda Somali advice and Information Services waxaa ay leedahay Innaa lilaah wa innaa ileyhim lanuraajicuun, waxa ayna uga tacsiyey naysa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadka reer Puntland oo ay leedahay Allaha samir iyo iimaanba idinka siiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. Isagana janatul ferdowsa Allaha ka waraabiyo.
Aamiin
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Chairman of SOMINFOS – Leicester UK