Madax Shirka Range Resources Limited oo mar kale ka warbixiyey howsha qodista Shidaalka ee Dooxada Dharoor

May 19, 2012 - Written by

Waraysi lala yeeshay madax shirkada Range Resources Peter Landau oo ah shirkada ka mid ah shirkaddaha ka qodaya shidaalka Ceela Shabeel1 ee Dooxada Dharoor ayaa waxaa la wiidiiyey su’aalo furan oo ku saabsan howsha qodista Shidaalka ee Puntlland iyo meesha ay marayso haddaba waraysiga oo ah mid dheer ayaa waxaa lagu soo daabacay webka Shir ka Range Resources Limited  waxaan uu waraysigu u dhacay sidatan.


Openbriefing.com:
Range Resources Limited waxaa ay shalay iclaamiyeen dhamaystirka howl wadeenka Horn Petroleum  uu dhamays tiray qodaalkii ceelka Shabeel 1 iyadoo saamiga ay shirkad waliba ay ku leedahay uu yahay sida tan (Range Resources Limited 20%, Horn Petroleum 60%, Red Emperor Resources NL 20%) Qodista Ceelka Shabeel1 ee Dooxada Dharoor  ayaa qiyaastii iyadoo ay u dhimantahay ilaa 300 m sidda qorsahu ahaa ayaa joojiseen waa maxay qiimayntaada natiijada laga gaaray ?

MD Peter Landau (Madax Shirada Range Resource) ayaa ku jawaabay  in ceelka Shabeel1  howshiisu ay muujisay guul muuqata ilaa waqti gaan, guushaas oo ah helitaanka la hellay  12 ilaa 20 m  oo ah wax loo yaqaan hydrocarbon pay zone ee ku jirta Jesomma sands. ( Waa lakabka caado ahaan  marka Oil ama Gaaska la helo ay ku jiraan) haddaba goobtaas waxay u baahan tahay in qaab gancansi loo tijaabiyo taasna waxaa la samaynayaa marka la dhameeyo ceelka kale ee Shabeel North ama Shabeel 2 oo howshiisa la bilaabi doono horaanta bisha Jun.

MD Peter Landau (Madax Shirada Range Resource)  ayaa  yiri Inagoo ku salayanayna  warbixnta ay noo soo gudbiyeen kooxda farsama yaqaanada Shiradda  Range Resource ee ku sugan Ceelka Shabeel 1 ee Dooxada Dharoor warbixintooda in  tijaabo guulaysta ay natiija deedu noqonayso 70 ilaa 130mm foosto oo shidaal ah laga heli karo ceelka taas oo 14 ilaa 26mm ppls (qiyaasta shidaalka ceeriin ah).

MD Peter Landau (Madax Shirada Range Resource) oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri waxaa kale oo ah muhiim in la xusuusto in tani ay tahay ceelkii ugu horeeyey oo Hydrocarbon (Waa meesha uu ku jiro Shidaalka iyo Gaasku) ee Dooxada Dharoor  mudo 50 sanno ku siman waxaa ay guul u tahay dhamaan inta ku lug leh  sida Horn Petroleum , dowllada Puntlland iyo dadka degaanka ee ree Puntlland in ceelka Shabeel1 ee dooxada Dharoor ay howshiisii ay guul ku dhamaatay.

Ilaa iyo hadda ma jiro masuul ka tirsan dowllada Puntlland oo ka hadlay meesha ay marayso qodista shidaalka ee ceelka Shabeel1 ee Dooxada Dharoor

Warbixnta iyo Waraysiga  Madax Shirka Range Resources Limited lala yeeshay hoos ka akhriso iyadoo dhamaystiran

Source :Range Resources

2 Comments so far

Leave a comment

  1. asc dadka soomaalida taageeradooda iyo nacaybkooda waa wax ku salaysan qabiil, warar ay webab ku qoreen ma garan meesha ay ka soo xigteen, webab ka caalamiga qaarkood waxayba leeyihiin waa ganacsi gal. http://www.proactiveinvestors.co.uk/companies/news/43010/range-resources-confident-of-commercial-discovery-in-puntland-43010.html

  2. masha alaah ilaahay hanoobarakeeyo waa guul ummada soomaliyeed usoo hoyatay waxaan dhawaan filaynaa in tijaabadaasna ay guulkudhamaato oo si rasmia ah loogu dhawaaqo inta kamiyo oo kujirta khayrbadan ayaan ALAAH SWT karajaynaynaa

Leave a comment

*