Faahfaahin heshiis ay ku wada gaareen Saxiixayaasha Roadmap dalka Itoobiya
May 23, 2012 - Written byShir uga socday magaalada Addis Abab ee caasimada dalka Itoobiya Saxiixayaasha heshiiska siyaasadeed ee xalaadda kala guurka ee Soomaaliya, ayaa maanta sheegay in ay gaareen hishiis is afgarad ah hishiiskaas oo taabanaya dhinacyada Dasturka , ka bixida xiliga kala guurka ee DFKM, Wasiirka dastuurka DFKM Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa go,aamada ka soo baxay hishiiska is afgaradka ah ee ay wada gaareen DFKM ¨, Puntlland , Gal-mudug iyo Ahlusunaha WalJamaaca mid taariikhi ah.
no images were found
Qodobada ilaa hadda la iclaamiya in is afgarad laga gaaray ayaa waxaa ka mid ah.
1. 26 May,2012 waxa la soo magacaabayaa guddiga xalinta khilaafaadka ee 25 xubnood
2. 1 June 2012 waxa la magacaabayaa xubnaha guddiga farsamo ee ka kooban 30 xubnood
3. 20 June 2012 odayaasha dhamaan inay diyaariyaan ergada ansixineysa dastuurka.
4. 30 June 2012 soo gudbinta liiska magacyada ergada ansixineysa dastuurka
5. 2 July 2012 waxa loo fariisanayaa shirki ugu horeeyey ee afti u qaadida dastuurka (NCA)
6. 10 July 2012 waxa la ansixinayaa dastuurka federaalka Somalia.
7. 15 July 2012 waxa la soo bandhigayaa xubnhaha barlamanka Somalia ka mid noqonaya.
8. 20 July 2012 waxa la dhaarinayaa xubnaha barlamanka afarta sanno ee soo socota.
9. 4 August 2012 waxa la dooranayaa gudoomiyaha barlamanka iyo labadiisa ku xigeen
10. 20 August waxa la dooranayaa madaxweynaha DF Somalia
Halkaan ka eeg hishiiska ay wada gaareen madaxdii ku shiraysay Itoobiya
Suldan A. Farahseed
Communication Director Office
of the Somali President Mogadishu, Somalia