Madaxweeynaha Faransiiska Mr.Nicolas Sarkozy oo fadeexad ay soo wajahday(Daawo)
May 1, 2012 - Written byFarance:-Madaxweeynaha dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa waxaa soo wajahay fadeexad iyo ceeb tii ugu weyneyd ee ka dhacada dalka Faransiiska waxaana lagu heystaa in uu lacag gaareysa 50-Milyan oo Euro ka helay Sanadkii 2007 Madaxweeynihii hore ee dalka Liibiya Col. Muamar Al Qadaafi .
Madaxweeynaha dalka Faransiiska Mr.Nicolas Sarkozy ayaa waxaa uu xusul duub ugu jiraa in uu mar labaad hanto doorashada dalka Faransiiska ka socota waxaase daba dhigtay warbaahinta dalkaas iyaga oo ku furay buuq siyaasadeed.
Wiilka uu dhalay Madaxweynihii hore ee Libya ee la dilay Col.Qadaafi oo la yiraahdo Saif Al Islaam ayaa hada ka hor shaaciyey in lacag badan ay siiyeen madaxweynaha faransiiska si uu doorashada ugu soo galo .
Shacabka dalka Faransiiska ayaa shaki badan ka qaaday Mr Nicolas Sarkozy waxaana fadeexadaan si weyn uga faa,idaystay ninka loolanka madaxtinimada kula jira Nicolas Sarkozy oo lagu magacaabo Francois Holland .
Hoos ka daawo Barnaamij ay ka Diyaarisay Aljazeera Tv fadeexada soo wajahday Nicolas Sarkozy
C/Casiis Maxamed
Halgan.net