Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed oo gaaray dalka Kuweyt
May 6, 2012 - Written byKuweyt:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ayaa goordhaweyd gaaraya wadanka Kuweyt waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey amiirka dalka Kuweyt iyo madax sare oo ka tirsan dowlada Kuweyt .
Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiirka arimaha dibaddaDFKM , wasiirka Macdanka iyo biyaha iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ayaa casumaad rasmi ah waxaa uu ka helay amiirka dalka Kuweyt waxaana uu joogi doonaa dalka Kuweyt mudo laba maalin ah sida aan ku helnay warar hordhac ah .
Warka oo faahfaahsan dhawaan kala soco Halgan.net inshalaaaaaaaah
A/Cawale
Halgan.net