Madaxweynaha DFKM Shariif sheekh Ahmed oo maanta Muqdisho dib Ugu Soo Laabtay‏

May 27, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed iyo wafti uu horkacyo  ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu socdaal shaqo ku soo maray wadadmada Itoobiya ,Kenya Ugandha, Burundi iyo South Africa

Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde waxaana ku soo dhaweeyey ku simaha Raisulwasaaraha DFKM ahna wasiirka Ganacsiga Ugaas Cabdiwahaab Ugaas Khaliif ,wasiiro ,xildhibaano iyo masuuliin ka tirsan Bulshada rayidka ah.

Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed oo la hadlay saxaafada ayaa hambalyo u diray ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM waxaana uu sheegay in guul laga gaaray dagaalkii lagula Jiray Ururka Al-Shabaab ,waxaa kale uu ka hadlay safarkii uu ku tagay dalka South Africa isaga oo sheegay in dowlada Koonfur Africa ay kala hadleen sidii loo joojin lahaa dhibaatada lagu hayo jaaliyada Soomaaliyeed uu ku dhaqan dalkaas.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

272,304 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>