Madaxweynaha dowlada Puntland oo la kulmay golaha arimaha dibadda ee dalka India(Masawiro)
May 16, 2012 - Written byIndia:-Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay golaha arimaha dibadda dalka India. Madaxweynaha Puntland ayaa socdaalkiisa waxaa ku weheliya xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland waxayna khudbado kala duwan ka jeedsheen kulankii ay la qaateen golaha arimaha dibadda ee dalka India.
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa si kooban uga hadlay Taariikhda Puntland iyo nabada iyo horumarka ay ku talaabsatay dowladiisa waxaana uu ka hadlay sidoo kale mashaariicda ay dowladiisa wado.
Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu si kooban uga hadlay dastuurka qabyo qoraalka ee uu buuqa ka dhashay iyo mowqifka dowladiisa iyo ansaxinta qorshaha RoadMapka waxaa uu sidoo kale ka hadlay mushkilada Burcad Badeeda iyo dhibaatada ay ku hayso Caalamka gaar ahaan Puntland isaga oo tacsi u diray dowlada India oo dhowr qof looga afduubay xeebaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole aýaa ugu danbeyntii waxaa uu ka codasay dowlada India in ay taageero dhinac walba ah u fidiso Maamulka Puntland .Madaxweynaha Puntland ayaa kulanka uu la qaatay golaha arimaha dibadda ee dalka India waxaa goobjoog ka ahaa 40 wadan safiiradooda kuwaas oo ku sugan dalka India.
no images were found
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa uu si gaar ah ula kulmay safiirada wadamada Democratic Republic of Congo, Turkey, UAE, Algeria, Yemen, Ethiopia, Malawi, Burkina Faso, Benin, iyo Masar.
Hoos ka Akhriso Khudbadii Madaxweynaha Puntland uu jeediyey.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net