Maraakiib Shisheeyey oo maanta Madaafiic ku duqeeyey magaalada Kismaayo
May 29, 2012 - Written byKismaayo:-Maraakiib dagaal oo laga leeyahay dalalka reer galbeedka ah ee ku sugan xeebta dalka Soomaaliya gaar ahaan xeebta Kismaayo ayaa maanta gantaalo ku soo riday xaafadaha ku teedsan xeebata magaalada Kismaayo ka dib markii ciidamo ka tirsan ururka Al-.shabaab oo saarnaa doonyo ay hub ku rideen.
Sheekh Xassan Yacquub oo ah masuul ka tirsan ururka Al-shabaab oo saxaafada uga waramay duqeynta ka dhacday maanta Kismaayo ayaa sheegay in ilaa 2-bo doon oo ay saar naayeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay madaafiic ku rideen Maraakiib shisheeyey oo dhib badan ku hayey dadka Soomaaliyeed ee badda ka Kaluumaysan jiray ayna ka cayri yeen xeebta.
Sheekh Xassan Yacquub ayaa sheegay in markaas ka dib ay Maraakiibta Shisheeyey ay Madaafiic dhowr ah ku soo riday Xaafadaha u dhow xeebta magaalada Kismaayo iyadoo khasaaraha ka dhashay in ay yihiin 2-bo wiil oo mid dhintay iyo mid dhaawac ah ka dib markii madaafiicda qaar ay ugu tageen gurigooda.
Maraakiibta ay saaran yihiin ciidanka Shisheeyey ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa dhib badan ku haya dadka Soomaaliyeed ee ka kaluumaysan jiray badda kuwaas oo in badan loo qabto in ay yihiin burcadbadeed laguna xiro dalal shisheeye.
A/cawaale
Halgan.net