Muxaadarii 4aad ee Manhajka Ahlu Sunaha ee Nusuusta waciidka Sheekh Shible(Dhageyso)

May 21, 2012 - Written by

Nairobi:-Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli oo 4-tii habeen ee la soo dhaafay masaaajidka 6-ka ee xaafadda Islii magaalada Nairobi, ka waday Muxaadaro uu uga hadlayey Manhajka Ahlu Sunaha ee Nusuusta Gooddiga, ayaa xalay soo afmeeray.Shiikha ayaa xalay ka hadlay gunaadka qeybihii habeenadii la soo dhaafay soo aqriyey, isagoona soo bandhigay qawaacid dhowr ah oo muhiim ah oo wax badanna dadku ay ka faa’iideen.

1- Qofkii ficilkaas sameeya Naarta ayuu ku waarayaa.

2- Qofkii ficilkaas sameeya Janada magalayo ama waa ka xaaraam.

Aayado iyo axaadiith ka hadlaya mowduucaan ayuu Shiikhu soo bandhigay, isagoona daaha ka qaaday in ku waaridda Naarta iyo Jano gelid la’aanta ay Nusuustu ka hadleyso ayan macnaheedu aheyn in qofkaasi diinta ka baxay, isla markaasna qof ahlu towxiid noqday uusan Naar ku waareyn, sida Shiikhu ka soo guuriyey Culimada Sunada.

Shiikha ayaa qaacida kale ku sheegay in Nusuustan aan Kufri weyn lagu xambaari karin, isagoona carrabka ku adkeeyey in Nusuustaan lagu fasirayo Nusuus kale, kuwaasoo meelo kale lagu caddeeyey in ficilada ciqaabta lagu muteysanayo ay jiraan waxyaabo kale oo wanaag ah oo lagu dhaafi karo, taasoo u baahan in la is dul taago.

Shiikha ayaa caddeeyey addilada ku soo aroortay mowduucaan iyo aqwaasha ay ka dhaheen Culimada Sunada, waxaana dadkii dhageysanayey ay ahaayeen kuwa si weyn dhagaha ugu raaricinayey sida wanaagsan ee uu Shiikhu u faahfaahinayey mowduucaan oo ahaa mid loo baahnaa.

In la kala saaro xukunka ficilka iyo qofkii sameeyey, ayaa iyadana Shiikhu si qoto dheer u lafa guray, wuxuuna keenay addilo badan oo muujinaya in la kala saaro si aan loogu dhicin ama loo taqriirinin caqiidada firqooyinka habaabay ee Khawaarijtu ka midka tahay.

Ugu dambeyntii Shiikha ayaa Muxaadaradiisa soo gabagabeeyey, wuxuuna waqti u waayey inuu ka jawaabo su’aalo dadku doonayeen in Shiikhu uga jawaabo, waxaana Shiikhu balamiyey Jimcaha soo socota inuu ka hadli doono sida Ahlu Sunaha u arkaan in dadka lagu gaaleysiiyo masaa’il la isku khilaafsan yahay.

Dadweynihii dhageysanayey Muxaadarada Shiikha ayaa aad ugu riyaaqay Mowduucaan Shiikhu ka hadlay, iyadoona si cilmi ah ay wax badan uga ogaadeen masaa’il waayadan ka taagnaa fagaarayaasha Soomaalida. Illaahay Shiikha ha u barakeeyo Cilmigiisa, cimrigiisa iyo camalkiisa

Hoos Ka Dhageyso Muxaadaradii 4aad  ee Manhajka Ahlu Sunaha ee Nusuusta waciidka Sheekh Shible.
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/shible4.mp3]

Ama Halkan Mp3

Halgan.net
Nairobi

9 Comments so far

Leave a comment

  1. SCWW.
    WAXAY MAHAD USUGNAATAY ALLAH, NNKH RASULKENII SUBANAA SCW. JZKA ALLAHU KHAYR WALALAHA HALGAN, IYO SHEEKHENA XHU ALLAHU.
    MANHAJKAN SHEEKHU BARAARUJINAYO WAA BAHI TAAGNAYD OO AAN FILAYO KII HALMANSANAANA INAY XUSUUSISO, KII AAN AQOONA AY CASHAR U NAQATO.
    SIDOO KALE SHEEKH BASHIR XHLAH BAA MARKII U BILAABAY INUU KAHADLO MANHAJKA ALLICTISAAM,AYAAN TALO AHAAN SOO JEEDIYAY INAY KAFIICNAANLAHAY INN MANHAJKAAS AAN KOOX IYO JAMAACA GOONI AH LOO NISBAYNIN HADII LARABO IN WAX LASAXO MARKA LA JOOGO SOOMAALIYA. SABABTOO AH SOOMALI HADAAN NAHAY TACASSUB QABIIL IYO MID JAMAACO WAA WAXA HALKAAS INA DHIGAY. SIDAA AWGEED SHEEKH BASHIIR WUU DADAALAY LAAKIINSE SHEEKH SHIBILE OO AAN DALADA CULIMADA MADAH KA AHAYN BAA ARINKII AAN RABAY ASSIIBAY, KULIGOODNA WAA NAGA KHAYRBADANYIHIIN, ALLAHA NOO XIFDIYO AMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN, UNUKANA ALLAHA NAGU ANFACO AMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN.

  2. sheekha kheyr hasiiyo

  3. Jasaakumulaahi khayr shiikh shible aniga waxaan ka helaan balaaqadaada iyo cilmiga Allaah kusiiyey sida aad ugu gudbisid ummadda Islaamka. waxaan jelaan lahaa in aad noo siiwado archeives lagaliyo ama free downlaoding la fasaxo. Allaah baa mahad leh shiikha waa mahadsan yahay.

  4. asc dhamaan walalaha islaamka alaahu u aqbalo ducada sheeqa ilahey ha u siyadiyo aqoontiisa anagana alaha nafhansiiyo xaqa jzk allah sheequnaa sh shibile

  5. walal waad salaaman tihiin waxan cudanayaa in lasoo galiyo xadiis yadii wal waciid fadlan soo gali

  6. Salaamu Caleykum
    Allah weyn hakuu siyaadiyo cilmi iyo xigmad
    waxaan kuu jeclahay alle hortiis cawaan kaloo kaa codsanayaa inaad duubtid casharo kale. dhamaan kutubtaad duubtay waan dhegaystey
    Muse

  7. jazaakallaah khayral jazaa yaa shekh shible ilaahayna ha ku xifdiyo cilmigana ha kuu siyaadiyo adi iyo culimadeena khayr badanayaasha ahba

  8. Asc sheekh Shibli ilaahay haku xifdiyo hana kuu siyaa diyo cilmiga waan kudiirsanay sida naxa riista ku dheehan ee aad noogu faa ii daysay

  9. السلام عليكم
    ilahay khayr ha kusiiyo shiikh cimrigaagana ilahay hadheereeyo dadkana hakugu anfaco waanu dhagaysanay illana waan karajaynaynaa inuu nagu anfaco dadkana haloo dadaalo si looga saaro cidii nusuusta sikale ufahantahay

Leave a comment

*