Ogeysiis:-Ka qeyb qaado Dhismaha Markazka Sunnah ee Degmada Badhan(Masawiro)

May 21, 2012 - Written by

Badhan:-Hore ayaanu waxaanu idinku soo gudbiney warbixin ku saabsan xarun ama markas cusub oo balaaran oo laga hirgelinayey magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, Somalia, xaruntani oo ku fadhida dhul aad u balaaran isla markaana la doonayo in loogu adeego dadka ku dhaqan deegaanka oo isla markaana doonaya iney bartaam Diinteenta xaniifka ah ee suuban.Xaruntii hada waa gebo gebo sida aad ka arki kareysaan sawirada la socda warbixintan waxaa harey qeybo oo u baahan in dadka kheyrka jecel ee Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan arintan.

Sidaa awgeed waxaa laga codsanayaa dadka inta kheyrka jecel iney ka qeyb qaataan dhameystirka Masjidka iyo Xarunta waana la wada ogsoon yahay in Nabigeena Muxammad ee Suubaan Nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee inuu yiri [من بنى لله مسجدا، بنى الله له قصرا في الجنة‏] oo micnihiisa laga wada dheregsan yahay isla markaana balan qaad allah haysta.

Markaz Sunnah, waa xarun aad u wayn oo dhismaheedu ka socdo, magaalada Badhan, Xaruntan, aya waxa loogu tala galay Muslimiinta ku dhaqan magaalada Badhan, iyadoo oo leh, Masajid aad u wayn, Maktabad, (Library), Xarumo wax lagu akhristo, ama Cilmi baaris lagu samayn karo, Xarumo muxaadarooyinka iyo wacyi galinta bulshada lagu qaban karo, Goobo wax barasho.

no images were found

Markaska ama xaruntan ayaa mustaqbalka hadii Eebe idmo la sii kordhin karaa sida ka cud dalabka ama codsiga hoos ku yaala ama ku xardhan..

Guud ahaan magalada Badhan oo ah magalooyinka ugu waa wayn gobolka Sanaag ee Soomaaliya ayaa aad u kortay sanadihii danbe iyada oo xaruntii Jamacada Maakhirna la bilaabay iyo iskoola ama dugsiyo sare oo gaadhaya Sadex dugsi oo sare iyo macaahid kale oo lagu barto culuumta kombuyuurta, Sidaas ayaa keentay, in laga furo goobo badan oo waxbarasho , oo kaabayeeye, dhismaha iyo horumarka dad waynaha ku dhaqan magalada Badhan ama guud ahaan Soomaaliya ay cilmi iyo aqoon kororsi usoo raadsan karaan.

Ugu danbeyn waxaa mar labaad aanu ka codsaneynaa walaalaha musliimiinta ee doonaya iney xasanaat shaqeystaan iney ka qeyb galaan wax ka qabadka mashruucan islaamiga ah ee laga wado goobtaan, Ilaaheyna ma dayaco qofkii camal kheyr ah sahqeeysta.

Halkan ka Akhri Faahfaahinta Markaz Sunnah.

Badhan
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online