Puntland oo warsaxaafadeed ka soo saartay shaqaaqo ka dhacaday Degmada Xaafuun
May 27, 2012 - Written byXaafuun:-Wararka saaka naga soo gaaraya Degmada xaafuun ee gobalka Karkaar ayaa soo sheegay in iska horimaad uu dhexmaray dhalinayo hubeysan iyo ciidamo ka tirsan Puntland waxaana iska horimaadka uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac. Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Bari Col Cismaan Xasan Cawke oo la hadlay warbaahinta magaalada Boosaaso ayaa sheegay in howlgalada ka socda Degmada Xaafuun lagu soo qabtay 6 dhalin yaro ah.
Dhinaca kale wararka galabta naga soo gaaraya Degmada Xaafuun ayaa sheegaya inay Xaalada Degmada ay degan tahay wax dagaal ahana uusan ka socon .iyada oo odayaasha iyo waxgaradka ay kulan la qaateen wafdi ka socda Puntland.
Degmada Xaafuun ayaa waxaa haatan ku sugan oo gaaray Taliyaha Ciidanka PMPF Col.Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo ay weheliyaan Wasiirka Amniga iyo Hubka dhigista Dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan, Taliyaha Booliska Puntland Col. MaxamedSiciid Jaqanaf iyo Taliye-ku-xigeenka Booliska Puntland Col Muxyidiin Axmed Muuse.
Dhinaca kale Dowlada Puntland ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay shaqaaqada ka dhacday Degmada Xaafuun wuxuuna u qornaa sidan.
WAR SAXAAFADEED 27 May 2012
Ciidanka Badda Puntland PMPF oo Soo Qabqabtay 11-burcad badeed Cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Badda Puntland (PMPF) ayaa 26 May 2012 waxay hawlgal ku gaareen degmada Xaafuun ee gobolka Karkaar waxaana hogaaminayey Taliyaha Ciidanka PMPF Col.Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo ay weheliyaan Wasiirka Amniga iyo Hubka dhigista Dowladda Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan, Taliyaha Booliska Puntland Col. Maxamed Siciid Jaqanaf iyo Taliye-ku-xigeenka Booliska Puntland Col. Muxyidiin Axmed Muuse.
Saaka (27 May 2012) abaare 10:30 ayaa hawlgal Ciidamada PMPF ay ka sameeyeen aaga Xaafuun waxay ku soo qabteen 11 nin oo burcad badeed
ah oo uu hogaaminayey Maxamed Maxamuud Maxamed Xasan (Dhafoor) oo ah nin ku caanbaxay ka qowleysiga xeebaha Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed in badana Dowladu ku raad joogtey. Dhafoor waxa uu ku lug lahaa jidgooyo horey Ciidamada Amniga ee
Dowladda Puntland loogu dhigey degaanka Hul-Caanood March 2011 halkaasi oo ku dhinteen 5 askari oo ka tirsan Ciidamada kuna dhaawacmen 8 kale islamarkaasna ku burburiyeen qalab ciidan.Dhafoor waxa uu ka tirsanaa ragii burcada ahaa ee afduubka u haystey
qoyskii u dhashey dalka Denmark. Kooxdan burcada ah ayaa dhinaca kale lagu soo qabtey gaari ay wateen oo
nooca Toyota Surf ah, 7 qori oo AK47 ah iyo boobe culus. —
Ministry of Security and DDR
Puntland State of Somalia
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka Puntland ay ka soo saartay Dhaqaaqo ka dhacay saaka Degmada Xaafuun ee gobalka Karkaar.
M_M Deeq
Halgan.net