Qarax ka dhacay Hotelka Faracadde ee magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud
May 1, 2012 - Written byWararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegay in qarax uu fuliyey qof is qarxiyey uu ka dhacay Hotelka Faracadde magaalada Dhuusamareeb,oo ay deganaayeen siyaasiyeen iyo Xildhibaano ka tirsan DFKM, xilibaano iyo siyaasiyiin ku sugnaa Hotelka ayaa waxaa soo gaaray dhaawac iyo dhimasho kale duwan.
Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin tirada rasmiga ah ee maanta ku dhintay ama ku dhaawacmay qarax ka dhacay Hotelka Faracadde ee magaalada Dhuusamareeb, warar hor dhac ah oo aan rasmi ahayn ilaa hadda ayaa sheegay in dadka dhintay uu ku jiro Xildhibaan Yuusuf Seeraar oo ah Xildhibaan ka tirsan DFKM iyo Xilibaan kale oo aan weli magaciisu soo shaac bixin.
Hotelka Faracadde ee qaraxu ka dhcay ayaa waxaa ku sugnaa Ra,iisul wasaare ku xigeenkii hore ee DFKM Axmed C/salaan oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb, isaga iyo siyaasiyiin kale oo ka yimid Qurbaha waxaan ay wadeen shirar kale duwan oo ay doonayaan in maamul gobolleed ugu dhisaan gobolka Galguduud. Ilaa hadda ma jirto koox sheegataya qarax in ay ka danbeysay balse waxaa la sugaa in saacadaha soo socda ay sheegato kooxdii qaraxaaas ka danbaysay iyo u jeedadd ay ka lahaayee in ay khaarajiyaan siyaasiyiin u badan Qurbo joog iyo xilibaan ku shirsaaan Hotelka Faracadde magaalada Dhuusamareeb.
M_M_Deeq
Halgan.net