Qarax ka dhacay Hotelka Faracadde ee magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud

May 1, 2012 - Written by

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegay in qarax uu fuliyey qof is qarxiyey uu ka dhacay Hotelka Faracadde magaalada  Dhuusamareeb,oo ay deganaayeen siyaasiyeen iyo Xildhibaano ka tirsan DFKM, xilibaano iyo siyaasiyiin ku sugnaa Hotelka ayaa waxaa soo gaaray dhaawac iyo dhimasho kale duwan.

Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin tirada rasmiga ah ee maanta ku dhintay ama ku dhaawacmay qarax ka dhacay Hotelka Faracadde ee magaalada  Dhuusamareeb, warar hor dhac ah oo aan rasmi ahayn ilaa hadda ayaa sheegay in dadka dhintay uu ku jiro Xildhibaan Yuusuf Seeraar oo ah Xildhibaan ka tirsan DFKM  iyo Xilibaan kale oo aan weli magaciisu soo shaac bixin.

Hotelka Faracadde ee qaraxu ka dhcay ayaa waxaa ku sugnaa  Ra,iisul wasaare ku xigeenkii hore ee DFKM Axmed C/salaan oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada  Dhuusamareeb, isaga iyo siyaasiyiin kale oo ka yimid Qurbaha waxaan ay wadeen shirar kale duwan oo ay doonayaan  in maamul gobolleed ugu dhisaan gobolka Galguduud. Ilaa hadda ma jirto koox sheegataya qarax in ay ka danbeysay balse waxaa la sugaa in saacadaha soo socda ay sheegato kooxdii qaraxaaas ka danbaysay iyo u jeedadd ay ka lahaayee in ay khaarajiyaan siyaasiyiin u badan Qurbo joog iyo xilibaan ku shirsaaan  Hotelka Faracadde magaalada  Dhuusamareeb.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online