Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya

May 26, 2012 - Written by

Nairobi:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in garneyl lagu weeraray goob boosteejo ah oo laga raaco gaadiidka Bl-ka waxaana ku dhintay hal qof in ka badan 10 kale wey ku dhaawacmay.Dhaawaca ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka weyn ee yaal Nairobi

Dadka qaraxa ku waxyeeloobay ayaa ah dhamaantood dad rayid ah oo Boosteejada qaraxa lala eegtay ku sugayey gaari Bl ah oo geeya xaafadahooda.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa qaraxa kadib waxay soo gaareen goobta uu qaraxu ka dhacay waxayna ay sameeyeen howlgalo iyaga oo xiray dhamaan wadooyinka soo gala Townka magaalada Nairobi.

Qaraxyada iyo weerarada ayaa waxay ku bilaawdeen dalka Kenya ka dib markii ay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo faro badan ay gudaha u galeen gobalada J/hoose iyo Gedo iyaga oo khasaaro u geystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

272,305 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>