Qarax miino oo saaka ka dhacay Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo

May 30, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Ciidanka Booliska ee magaalada gaalkacyo ayaa waxaa saaka ku qaraxday miino ay rabeen in ay ka soo saaraan xaafadda Gar soor ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka dib markii xalay ay toogteen nin dhalinyaro ah oo isagu doonayey in uu aaso miinada.

Ninkaan dhalinyarada ah ee la dilay xalay ayaa waxaa ay ciidanku ku amreen in uu istaago balse waxaa uu isku dayey in uu baxso taas oo sababtay in ciidanku ay toogtaan , goobta nin kaan lagu dilay ayaa saaka waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Booliska oo iyagu loo soo diray in ay miinada ninka uu waday ay furfuraan.

Ciidanka Boolika oo ku howlanaa in ay saaraan miinada ayaa si lama filaan ah u qaraxday waxaan ku dhintay ilaa 7 qof oo iskugu jira askar iyo dad rayid ah oo ku soo xoomay goobta ay taalay miinadu. Dadka dhintay waxay ahaayeen ilaa 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska  ee magaalada Gaalkacyo.

Xaafadda Garsoor ayaa waxaa saaka ka socda howlgalo ay ciidanka Booliska iyo kuwa daraawiista ka bilaabeen  , howlgalkaas oo la sheegay in lagu raadinayo  dad looga shakisan yahay in ay xiriir la lahaayeen ninka xalay ay dileen ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo.

Duqa degmada Gaalkacyo Siciid Cabdi Faarax iyo Taliye kuxigeenka qeybta Booliska gobolka Mudug Maxamed Maxamuud Jaamac” Beergeel”ayaa Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo iyaga oo ka warbixiyey qaraxii ka dhacay Gaalkacyo .Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in dhaawac fudud uu soo gaaray isaga iyo taliyaha qeybta booliska Mudug ee maamulka Puntland Jaamac Maxamed Axmed.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online