Qarax xalay ka dhacay isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho

May 9, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa xalay ka dhacay qarax miino ah inta u dhexeysa isgoyska Baar Ubax  iyo Is-Black sea, qaraxaan ayaa dhacay ka dib markii qof aasayey miino ay la qarax day , dadweyne ku sugnaa Xaafadaha ku dhow Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa saxaafada u xaqiijiyey in qaraxu uu ahaa miino la qaraxday qof doonayey in miinada uu aaso si uu ula bartilmaamsado ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM.

Dadweynaha ayaa ku soo xoomay goobta qaraxu ka dhacay waxaan ay ugu tageen qofkii qarax aasayey oo go,go’ay  iyo god weyn oo uu qoday qofka miinadu la qaraxday oo uu doonayey in miinada uu galiyo, Ciidamo ka tiran kuwa DFKM ayaa isla xalay soo gaaray goobta miinadu ka qaraxday waxaan ay sameeyeen baaritaan ku aadan qaabka uu u dhacay qaraxu.

Ilaa hadda ma jirto cid ka tirsan Saraakiisha amaanka ee ciidanka DFKM oo ka hadlay qaraxii xalay ka dhacay inta u dhexeysa isgoyska Baar Ubax  iyo Is-Black sea oo aan geysan wax khasaaro ah marka laga reebo qofka dhintay oo ahaa qofkii doonayey in uu aaso  miinada si uu ugu weeraro ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM oo inta badan lala eegto qaraxyo miino ah oo kala qaab duwan.

Ma ah markii ugu horaysay oo qof miino aasayey ay la qaraxdo magaalada Muqdisho balse dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa  dhaca inta badan mana jirto cid sheegtay in qof miinadu la qaraxday uu ka tirsanaa ururkooda ama kooxdooda arrinkaas oo dad badan oo ku nool magaalada Muqdisho ay is wiidiiyaan.

 

A/Cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online