Qarax xalay ka dhacay Xaafada Israac iyo ciidanka Booliska Gaalkacyo oo dad u qabtay

May 25, 2012 - Written by

Ciidanka Booliska ee magaalada Gaalkacyo ee dowllada Puntland ayaa xalay ilaa saaka howl galo ay ka sameeyeen  Xaafada Israac  waxaa ay ku soo qabteen dad la tilmaamay ama looga shakisan yahay in xalay ay Bam gacmeed ku weerareen dad shacab ah oo madani ah oo iyagu si gaar ah isku xilqaamay in ay xoojiyan amaanka xaafada Israac. Qarax Bamka markii uu dhacay ayaa waxaa ku dhintay ilaa 2 qof waxaan ku dhaawacmay 7 qof oo dhamaantood la geeyey Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo ,Ciidanka PIS iyo Booliska magaalada Gaalkacyo oo soo gaaray goobta qaraxu ka dhacay ayaa sameeyey howl galo ay ku guulaysteen ilaa xad in ay qabtaan dad lagu tuhunsan yahay in ay ka danbeeyeen qaraxa.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo la hadlay saaxaafada ayaa sheegay in qaraxii xalay ka dhacay Xaafada Israac ay dad u qabteen ayna hadda ku hayaan baaritaan iyagoo sheegay in xog ay helleen ay rajaynayaan in kooxdii soo abaabushay in ay weerar Bam ah ka geystaan Xaafada Israac ay ciidanku ay ku guulaysteen in ay qabtaan. Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa bilihi  la soo dhaafay laga dareemay nabadgelyo iyo amaan iyadoo taas loo aanay nayo culays dhinac howlgalka amaanka ay ka sameeyeen ciidanka Booliska Gaalkacyo xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Gaalkacyo iyo bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo oo loo sameeyey wacyi gelin ku aadan dhinac amaanka.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online