Raisulwasaaraha DFKM oo qaabilay mas’uuliyiin ka tirsan dalka Koonfur Afrika iyo Mozambique(warsaxafadeed).

May 10, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka kala socda Koonfur Afrika iyo Mozambique .Wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha uu kulan la qaatay Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka, Mr. Jeffrey Radebe, Safiirka Koonfur Afrika u fadhiya Nairobi Mr, Didumusi Ntushinga  iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Mozambique Dr, Edwardo iyo wafuud kale oo ay hogaaminayaan, Waxaana kulanka looga hadlayay Xiriirka dowladaha Koonfur Afrika, Mozambiqeu iyo Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Koonfur Afrika loogu geysto dadka Soomaaliyeed.

 
Wafuuda ayaa waxa ay soo mareyn goobtii uu shirka uga soconayay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed kuwaa oo soo xulayo gudigii Ansixin lahaa Dastuurka dalka, Soona xuli doono Baralamaanka.
 
 Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Koonfur Afrika ayaa qudbad ka jeediyay islamarkaana u sharaxay Dastuurka Koonfur Afrika ee 1994 kaa oo markaasi loo sameeyay Ergo sidaani oo kale ah oo ansixiyay balse 1996 ay dadka Koonfur Afrika ansixiyeen islamarkaana Odoyaasha ugu baaqay in muhiimad weyn ay leedahay in Dastuur la helo kuna bogaadiyay Odayaasha iney hormuud ka noqdaan dadaalada Soomaaliya.  

no images were found

Kulanka kadib ayaa waxaa si wada jir ah saxaafadda ula hadlay Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Koonfur Afrika. 

Ugu horeyn Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saafadda u sheegay in dowladaha Koonfur Afrika iyo Mozambique ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriir dowladaha Koonfur Afrika, Mozambique iyo Soomaaliya. 

“Sidaa la socotaan Koonfur Afrika waa wadan ku caan baxay soo celinta Nabadda sababtoo ah waxay ahaa yeen wadan ka jira Midab takoor kadibna xornimmo helay marka qibradii ay wadankooda ku nabadeeyeen iyagoo soo maray dagaal iyo cunsiriyadda midab kala sooc  haddana iyagoo cadaan iyo madoob ah isku yimaaaan go’aansaday in dalka la nabadeeyo, taana waxay u lee yihiin qibrad aad u weyn oo loo baahan yahay in laga qaato, Sidoo kale Mozambique waxay soo martay dagaal sokeeye oo dhexdooda ah kaa oo qaatay 16 sano kadibna ay ka baxeen dagaaladii sokeeye oo waa ay heshiiyeen marka waxaan rabnaa inaan qibradaasi  inagu wax ka helno islamarkaana xilliga xasaasiga ah oo aynu mareyno wax nagala qaataan oo ay nagu taageeraan” ayuu yiri.

 Sidoo kale, Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Koonfur Afrika, Mr. Jeffrey Radebe ayaa saxaafadda la hadlay, Wuxuuna sheegay in Soomaaliya uu ugu mahadcelinayaan taageeridii ay nasiisay xilligii midab kala sooca, Iyagoo nagu garab istaagay inaan helno Xuquuqdeena sida aad ogtahay R/Wasaare qaar ka tirsan dagaalyahanadeenii xilligii 1970-dii ay ku tababarteen gudaha wadanka Soomaaliya, Haddana Koonfur Afrika waa xor waxayna diyaar u tahay in Soomaaliya ay la yeelato xiriir Diplomacyadeed. 

“Waxa uu balanqaaday Madaxweynaheena inuu ku caawiyo Soomaaliya 100 Million oo lacagta Koonfur Afrika ah, taa oo lagu dhisayo hay’adaha dowladda iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayaynta Shaqaalaha dowladda  iyo waliba sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Diplomacyadeed” ayuu yiri Mr. Jeffrey Radebe. 

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa saxaafadda u sheegay in Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika dib loo furi doono islamarkaana ay kala hadli doonaan dhibaatooyinka loo geysto dadka Soomaaliyeed ayna heli doonaan xuquuqdooda.

– DHAMAAD –

Abdinor Abdikadir Mohamed (Daacad)

Deputy of Communication Director, office of the PM
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online