Samafale u shaqaynayey Hay,adda Islamic Relief oo lagu dilay Baydhabo
May 10, 2012 - Written byWaxaa allaha u naxariistee xalay lagu dilay magaalada Baydhabo samafale ahaa masuulka Hay,adda Islamic Relief ee Gobolka Bay iyo Bakool laguna magacaabi jiray Maxamed Axmed Fanax , Samafale Maxamed Axmed ayaa ahaa shaqsi ka shaqayn jiray isku xirka arrimaha bulshada iyo taakulaynta dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Baydhabo iyo Gobolka Bakool.
Samafalahaan ayaa waxaa la dilay xili uu ka soo baxay masjid ku yaal magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay oo ku soo tukaday salaadii Cishe , Maxamed axmed Fanax ayaa waxaa uu ahaa allaha u naxaristee nin ahlu diin ah in badan aad ugu dadaali jiray in dadka tabaalaysan uu gaarsiiyo gargaaro kale duwan.
Dhagarqabayaasha dilay Samafale Maxamed Xamed Fanax oo ku hubaysnaa Bistoolado ayaa goobta ka baxsaday iyadoo aan ilaa hadda la aqoon sababta dhabta ah ee ka danbaysa dilkaan fosha xun. Sanadihii ugu danbeeyey ayaa waxaa jiray kooxo abaabulan oo iyagu bartil maamsada dadka wax tarka u ah bulshada iyagoo dilalkooda ku beega marka qofku u socdo ama ka soo baxayo Masaajidka arrinkaas oo tuhun badan abuurtay cid ay u shaqaynayaan kooxaha afka duubt ee dilalka qorshayna ka wada dhamaan Gobollada dalka Soomaaliya oo dhan
Usbuucii la soo dhaafay ayaa sidoo kale magaalada Baydhabo waxaa lagu dilay nin ganacsade ah oo laga yaqaan magaalada ,dilalkaan abaabulan ayaa imaanaya xili magaalada Baydhabo ay haystaan ciidamo Itoobiyaan ah oo taageeraya ciidamo soomaali ah oo sheeganaya in ay taageersan yihiin ama ka mid yihiin DFKM
A/Cawaale
Halgan.net