Muxaadaradii Sheekh Maxamuud Shible Xafidahulaah oo (Qoraal ah Akhriso )

May 25, 2012 - Written by

Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli oo 4-tii habeen ee la soo dhaafay masaaajidka 6-ka ee xaafadda Islii magaalada Nairobi, ka waday Muxaadaro uu uga hadlayey Manhajka Ahlu Sunaha ee Nusuusta Gooddiga, ayaa xalay soo afmeeray.Shiikha ayaa xalay ka hadlay gunaadka qeybihii habeenadii la soo dhaafay soo aqriyey, isagoona soo bandhigay qawaacid dhowr ah oo muhiim ah oo wax badanna dadku ay ka faa’iideen.

1- Qofkii ficilkaas sameeya Naarta ayuu ku waarayaa.

2- Qofkii ficilkaas sameeya Janada magalayo ama waa ka xaaraam.

Aayado iyo axaadiith ka hadlaya mowduucaan ayuu Shiikhu soo bandhigay, isagoona daaha ka qaaday in ku waaridda Naarta iyo Jano gelid la’aanta ay Nusuustu ka hadleyso ayan macnaheedu aheyn in qofkaasi diinta ka baxay, isla markaasna qof ahlu towxiid noqday uusan Naar ku waareyn, sida Shiikhu ka soo guuriyey Culimada Sunada.

Shiikha ayaa qaacida kale ku sheegay in Nusuustan aan Kufri weyn lagu xambaari karin, isagoona carrabka ku adkeeyey in Nusuustaan lagu fasirayo Nusuus kale, kuwaasoo meelo kale lagu caddeeyey in ficilada ciqaabta lagu muteysanayo ay jiraan waxyaabo kale oo wanaag ah oo lagu dhaafi karo, taasoo u baahan in la is dul taago.

Shiikha ayaa caddeeyey addilada ku soo aroortay mowduucaan iyo aqwaasha ay ka dhaheen Culimada Sunada, waxaana dadkii dhageysanayey ay ahaayeen kuwa si weyn dhagaha ugu raaricinayey sida wanaagsan ee uu Shiikhu u faahfaahinayey mowduucaan oo ahaa mid loo baahnaa.

In la kala saaro xukunka ficilka iyo qofkii sameeyey, ayaa iyadana Shiikhu si qoto dheer u lafa guray, wuxuuna keenay addilo badan oo muujinaya in la kala saaro si aan loogu dhicin ama loo taqriirinin caqiidada firqooyinka habaabay ee Khawaarijtu ka midka tahay.

Ugu dambeyntii Shiikha ayaa Muxaadaradiisa soo gabagabeeyey, wuxuuna waqti u waayey inuu ka jawaabo su’aalo dadku doonayeen in Shiikhu uga jawaabo, waxaana Shiikhu balamiyey Jimcaha soo socota inuu ka hadli doono sida Ahlu Sunaha u arkaan in dadka lagu gaaleysiiyo masaa’il la isku khilaafsan yahay.

Dadweynihii dhageysanayey Muxaadarada Shiikha ayaa aad ugu riyaaqay Mowduucaan Shiikhu ka hadlay, iyadoona si cilmi ah ay wax badan uga ogaadeen masaa’il waayadan ka taagnaa fagaarayaasha Soomaalida. Illaahay Shiikha ha u barakeeyo Cilmigiisa, cimrigiisa iyo camalkiisa.

Halkaan ka daalaco Muxaadaradii Nusuusta Goodiga ee Sh Shible oo PDF ah    ama  Halkaan ka daalaco Muxaadaradii Nusuusta Goodiga ee Sh Sh Shible oo Word ah

Halgan.net/Somalireal.com

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online