Sh Xasan Daahir Aweys oo si kulul uga hadlay Dastuurka Qabyo qoraalka ee DFKM (Dhageyso)

May 5, 2012 - Written by

Afgooye:-Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah culumada iyo saraakiisha Ururka Al-Shabaab ayaa si kulul uga hadlay Dastuurka Qabyo qoraalka ee DFKM mar uu tacliiq saaray khudbadii Jimcaha shalay ee  Masjidka Al-Nureyn ee Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelada Hoose .

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa baaq u jeediyey dhamaan odayaasha iyo Isimada Qabaa,ilka Soomaaliya waxaana uu ugu baaqay in ay iska diidaan Dastuurka Qabyo Qoraalka ee DFKM kaas oo uu ku tilmaamay mid ay gaalo wadato.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa dhanka kale waxaa uu sheegay in dagaalka ay kula jiraan ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ay kordhin doonaan wuxuuna sheegay in xaalkooda uu meel fiican marayo.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ugu baaqay Isimada iyo salaadiinta maanta shirka uga furmay Muqdisho ugu baaqay in ay noqdaan sida Sayid Maxamed Cabdule Xasan iyo Ahmed Gurey oo taariikhda Soomaaliya ka galay baal dahab ah ama ay noqdaan kuwa gaalo raaca oo taariikhda ka gala baal xun .

Hoos ka Dhageyso Tacliiqii Khudbadii Jimcaha ee Sh Xasan Daahir Aweys ka jeediyey Masjidka Al-Nureyn ee Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelada Hoose .

[audio:https://halgan.net/Mp3/Dastur_Shxasan.mp3]   Ama Halkan

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. asc mujaahid sheekh xasan daahir aweys jazaakallaahu khayr xafidahuillaah

    • Asc.
      KU.Cabdiqani.
      Shaki kuma jiro in aad labo midood tahay.Kan hore in aadan Diinta Ilaahay (swt) waxba ka fahamsanayn oo ad ka dhago xiran tahay.
      Kan labaad oo ah in aadan aqoon waxa la yiraahdo Mujaahid macnihiisa.Sababtoo ah Xassan Daahir Awees baad u bixisay Mujahid.Anigu ma rabo in aan ninkaas ku dambaabo laakiin aniguna waxaan u aqaan gacan ku dhiigle ku caan baxay laynta ummadda soomaaliyeed.Miskiin yahoow Xassan Daahir waxuu gacantiisa ku TOOGTEY DHAWR KUN OO QOf oo wada muslimiin ah.Waligaase ma maqashay ama aragtay Xassan oo leh war dadka yaan la layn.War dadka xaqooda ha loo celiyo.War dadku waxba ma galabsan (dambiyo ma galin) ee ka joojiya dhibta ad ku wadaan.Maxuu u oranayaa shidoo dhan waxaa waday beeshiisa.Saas ula soco xaajada warmoogoow maarufleh.

Leave a comment

*