Shir saxiixayaasha Roud-Map-ka uga furmi doona magaalada Addis Ababa (Dhageyso)
May 19, 2012 - Written byAddis Ababa :-Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu wadaa in uu shir uga furmo maalinta Isniinta saxiixayaasha Roud-Map-ka ka dib markii ay Puntland ka biyo diiday Dastuurka qabyo qoraalka ee DFKM .Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Saciid Yuusuf Nuur ayaa xaqiijiyey in shirka ka furmayo magaalada Addis Ababa maalinta Isniinta ee soo socota.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Saciid Yuusuf Nuur ayaa sheegay in dhamaan saxiixayaasha Roud-Mapka ay wada iman doonaan shirka ka furmaya magaalada Addis Ababa ayna dhamaantood aqbaleen.
Danjire Saciid Yuusuf Nuur ayaa wareysi siiyey Laanta afka Soomaaliga ee BBC wuxuuna xaqiijiyey in ay shirka casumtay QM iyo Beesha Caalamka waxaana marti galin doonta ayuu yiri dowlada Itoobiya.
Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxaa haatan ku sugan Madaxweynaha dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole waxaana la filayaa in ay ilaa birito ay soo gaaraan Addis Ababa dhamaan saxiixayaasha Roud-Map-ka.
Danjiraha u fadhiya DFKM dalka Itoobiya Saciid Yuusuf Nuur ayaa sheegay in shirka uu socon doono laba maalmood lagana yaabo in uu ka bato
Wareysiga Danjiraha u fadhiya DFKM dalka Itoobiya Saciid Yuusuf Nuur ay la yeelatay BBC hoos Ka Dhageyso.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net