Saxiixayaasha Roadmap-ka oo uu Shir uga Furmay magaalada Addis Ababa

May 21, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa si rasmi uga furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya shir ay saxiixayaasha Roadmap-ka uga hadli doonaan dastuurka DFKM iyadoo shirkaas ay ka qaybgalayaan dhamaan saxiixayaashii heshiiska Roadmap-ka

Kulankan ayaa waxaa ka geyb galaya Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ,Raisulwasaare Gaas,Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKM Shariif Xasan,Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ,Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo kooxda la baxday Ahlu suna.

Shirka ayaa waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Augustine Mahiga, wakiilka Mareykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Jean Swan, madax sare oo ka socota Midowga Yurub ,Midowga Afrika ,IGad iyo saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee dalka Itoobiya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, Siciid Yuusuf Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in shirka uu socon doono mudo laba maalmood ah waxaana lagu lafaguri doonaa ayuu yiri qodobbada dastuurka ee muranka uu ka dhashay oo ay ka biyo diiday Puntland.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online